Shirkadda Telesom oo Noqotay Ganacsadihii Deeqda Ugu Balaadhan kaga Qayb qaadatay Gurmadkii Abaaraha Dalka iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo Shahaado Gudoonsiiyey

“Shirkadda TELESOM $680,000 ayaa naga soo gaadhay iyo 7,500 oo kartoon oo timir ah”, Sheekh Maxamed Aadan

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa si weyn uga qayb-qaadatay  gurmadkii abaaraha ee loo fidiyey dadkii abaaruhu aafeeyeen ee dhawaan madaxweynaha Somaliland mar kale magacaabay guddida ka soo kabashadda abaaraha ee 18 May, kuwaasi oo soo uruuriyey qaadhaan lacageed oo badan.

Madaxtooyadda ayaa qasriga madaxtooyadda Xalay ku qabatay xaflad si toos uga socotay telefishanadda dalka, xafladaasii oo lagu soo bandhigay lacagtii soo gashay guddida gurmadka abaaraha heer qaran. Kuwasi oo sanadkii hore iyo sanadkaban bulshadda u qaybiyo lacag badan oo malaayiin dollar ah.

Kulankan waxa ugu horeen ka hadlay qasnajiga guddida taakulaynta abaaraha Qaranka Sheekh Maxamed Aadan waxaanu si faahfaahsan uga warbixiyey xalaaddii abaareed ee bulshadda soo waajahday, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “Abaartii ka dhacday gobolada galbeedka Somaliland una gudubtay gobolada bari ee Soomaaliland sanadahan u danbeeyay  ayaa saameysay in ka badan dad gaadhayay ilaa sided boqol oo kun oo qof  una badnaa xoolo dhaqato, beeralay iyo dad badan oo hayyan ah kana yimid  Itoobiya soona galay Gobolada Galbeedka kuwaasoo waajahay xaalad qalafsan bilihii hore ee sanadka 2016, kaddib markii ay duunyadii dabar go’day, dadkuna uu nuglaaday, gaadhayna heer  ay carruurta iyo waayeelkaba nafaqo daro ku dhacdo. ugu danbayna gaadhay xaalad adag iyo dhimasho gobolada galbeedka (Salal iyo Awdal)”.

Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo ah Madaxa Hawl-galadda ee Guddida Taakulaynta Abaaraha ee heer Qaranka ayaa si faahfaahsan uga hadlay sida ay guddidu ugu qaybiyeen goboladda dalka ee ay abaartu ku dhuftay iyo degmooyinka hoos yimaada. Sheekh ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey mashaariicdii ay ku fuliyeen lacagihii soo galay.

“TELESOM GROUP, markan lacagan sheegayo maaha shirkadduhu waxay iyagu degmooyinka iyo goboladda gaarka u bixiyaan, wixii anagga akoonkayaga ku soo dhacay baan ka hadlayaa. Shirkadda TELESOM $680,000 ayaa naga soo gaadhay iyo 7,500 oo kartoon oo timir ah”, sidaasi waxaa yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Sheekh Maxamed Aadan ayaa si gaar ah ugu amanaay shirkadda Telesom inay noqotay shirkaddii lacagta ugu badan ku soo shubay akownka guddid taakulaynta baaraha.  Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shirkadda TELESOM guddoonsiiyey shahaado sharaf waxaana shirkadda u guddoomay hawl-galiye ku-xigeenka guud ee shirkadda Md. Faarax Sugaal Guure.

Shirkadda Telesom ayaa tan iyo intii abaaruhu bilaabmeen waxay deeqo kala duwan oo kala miisaan weyn ay kaga qayb-qaadatay gurmadkii abaaraha. Shirkadd ayaa guud ahaan abaarihii dalka ku bixisay lacag ka badan $1.5 milyan (hal milyan iyo badh dollar) oo isugu jirtay lacag ay si toos ah ugu wareejisay guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran iyo heer degmo iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.

HALKAN KA DAAWO  LACAGAHA SOO GALAY GUDDIDA:

HALKAN KA DAAWO GUDDOONSIINTA SHAHAADA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.