Shirkadda Telesom oo Markii 4-aad Maal-gelisay Barnaamijka Hal-abuurka Dhalinyaradda ee Innovate Venture

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa Sabtidii huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa lagu daah-furay tartankii barnaamijka hal-abuurka ganacsiga dhalinyarada ee Innovate Venture oo ay shirkadda Telesom maal-galiso sanad walba. Waxaana si rasmiya u furay Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad.

Barnaanijkan oo soo maray maraxalado kal duwan, waxaa maanta la soo gebogabeeyey qaybtiisii Abaal-marinta guuleystayaasha. Shirkaddihii ku guuleystay inay u soo gudbaan wareega kala xulista ayaa soo bandhigey fikraddo ganacsi oo kala duwan, waxaana abaalmarin dhan $30,000 ay shirkadda Telesom guddoonsiisay 6dii shirkaddood ee la yimid hal-abuurkii ugu wanaagsanaa.

Qaar ka mid ah guuleystayaasha barnaamijka hal-abuurka ganacsiga ee Innovate Venture ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay maal-galinta ay shirkaddu u sameysay, waxaanay shirkadda Telesom ku amaaneen kaalinta ay kaga jirto horumarka dhaqaalaha dalka.

Agaaasimaha Horumarinta Bulshadda ee Shirkadda Telesom Cabdiwahaab Maax oo ka mid ah guddidii kala xulaysay guuleystayaasha ayaa markii ay dhamaatay xulistu wuxuu hambalyo u diray dhamaan ka qayb-galayaashii barnaamijka gaar ahaan lixdii shirkadood ee ku guuleystay barnaamijka maal-gashiga ee Innovate Venture.

HALKAN KA DAAWO WARKA BARNAAMIJKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.