Shirkadda Telesom oo Macmiisheeda Gudoonsiisay Abaalmarinta Qaaliga ah ee Barnaamijka Hano Hadyaddaada, Sidoo kalena Daahfurtayna Barnaamijka Jidka Makka

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda isgaadhsiinta Telesom ayaa maanta abaal-marin gudoonsiisay 42 macmiil oo ku kala sugan goboladda dalka, shirkaddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay macmiisheeda ku abaal-mariso cumro sanadkan.

img_2637

Xafladan abaal-marinta ee Shirkadda Telesom ayaa ka dhacday xarunta guud ee shirkadda waxaana ka soo qayb-galay 17 qof oo ka mid ah macmiisha ku nool gobolka Hargeysa ee ku guulaystay Abaal-marinta

Xafladdan ugu horayn waxaa ka haddlay maamulaha waaxda suuqgaynta ee shirkadda Telesom Md. Cabdiraxmaan Aadan Ismaaciil (Aar) ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyadda abaalmarinta ee shirkaddu u soo bandhigtay macmiisheeda. Waxaanu yidhi, “Barnaamijkan hano hadyaddaada waxaa loogu talo-galay inay hadyaddo ku helaan macmiisha isticmaasha internet-ka gaar ahaan laga isticmaalo moobayladda ama waxa loo yaqaano mobile broadband-ka oo ah adeegyadda GPRS, 3G iyo 4G++. Markaa macmiisha isticmaasha adeegaa ee ka isticmaala moobayladooda, tablet-yadooda iyo mifi-yadooda ayaa shirkaddu ugu talo-gashay bil walba in ka badan 40 macmiil inay helaan hadyaddo qaali ah”, sidaasi waxaa yidhi Cabdiraxmaan Aar.

Maamulaha Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Aar oo sheegaya qaar ka mid ah Abaalmarinta lagu guulaysanaayo ayaa yidhi, “Hadyadaha lagu guulaysanaayo waxaa ka mid ah mobayladda casriga ah, uu ku shaqaynaayo adeega 4G++ oo loo yaqaan smartphones-ka, qasaaladaha dharka lagu maydho, talaagado, qalin-quraan iyo hadyaddo kale oo fara badan”.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale waxay xafladan abaal-marinta ah kaga dhawaaqday in ay shirkaddu qaar ka mid ah macmiisheeda ka bixin doonto kharashka Cumradda sanadkan.

“Waxaan kale oo aan maanta doonayaa in aan idiinku bushaareeyo in shirkaddu ay barnaamij labaad inoo daahfuri doonto laga bilaabo. Barnaamijkaasi oo ah barnaamij loogu talo-galay macmiisha in shirkaddu CIMRO ka bixiso, barnaamijkaasi oo aanu ugu magic darnay JIDKA MAKKA.” Sidaasi waxaa yidhi Cabdiraxmaan Aar.

Barnaamijka si aad uga qayb-gasho waa in aad tahay macaamiisha shirkadda ee lambaradda dibadda la hadla, waana in aad erayga CUMRO  usoo dirtaa lambarka gaaban ee 111.

Xafladdan waxaa isna ka hadlay maamulaha waaxda xidhiidhka dadweynaha Maxamed Cabdi darbo ayaa sheegyay abaalmarinaha kala duwan ee shirkadda ay gudoonsiiso macmiisha sanadadii la soo dhaafay iyo carwooyinka ay qabatay waxaanu yidhi, “Carwooyin badan baanu qabnay dalka laga soo bilaabo 2004-tii ilaa imika waa la qabtaa. Sanadadii ugu horeeyey waxaanu ku bixinay gawaadhi, waxaanu ku biixnay dirayso, mobaylaanu ku bixinay. Macmiisha qiimo badan baanu siinaa, waana waxa ay shirkaddu ku taagan tahay ee ay ku dhisan tahay waxaa ka mid ah macaamiisha. Macmiishu laf-dhabar bay noo tahay in aanu dhinacyo badan ka eegno ayey tahay, in aanu wax ku celino ayey tahay, in aanu adeegyo tayo leh ku keenay tahay. In kolba waxay xiisanayaan u keento shirkaddu ayey tahay”.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Yusuf (Shaqale) Maamulaha Qaybta iibka ee shirkada Telesom oo soo afmeeray xafladdan abaalmarinta ee Hano Hadyaddaada ayaa ugu horayn waxa uu hambalyo u diray dhamaan macmiishii ku guulaysatay abaalmarinta. Md. Shaqale ayaa sheegay in shirkadda Telesom ku dadaasho inay bulshadeedu ugu adeegto goobo ku haboon adeegyadda ay bixinayso sidoo kale ay u diyaariso shaqaale carbisan oo u heelan u adeegidda macmiilka, waxaanu yidhi, “Waxa ugu horeeyo ee aanu ilaalino waxaa ka mid ah goobta aanu macmiilka wax kaga iibinayno ayaanu daryeelnaa. Goobaha Hargeysa ku yaala waa labaataneeyo, meel walba oo xaafad ah waxaanu ugu talo-galnay in gabadha xaafadda dagan ee Ilmaha yar haysataa in aanu baska soo raacin, in aanay shan cisho aanay waayin xidhiidhkii ay ku haysatay mobaylkeeda. Sidaasi aawadeed baanu xaafad walba uga furnay iyadoon bas loo raacin. Meelahaasi oo aanu ka dhignay meelo bilic leh, goob nadaafadeeda iyo dadka ka shaqaynaya aanu ku dadaalnay”, sidaasi waxaa yidhi Cabdiraxmaan Shaqale.

Qaar ka mid ah macmiishii ku guulaystay Abaal-marinta Hano Hadyaddaada oo ka falceliyey abaal-marintan ay shirkaddu gudoonsiisay ayaa mahadnaqay abaal-marintan ay gudoonsiisay waxaanu sheegeen inay shirkadda Telesom ay tahay shirkadda ay ka helaan adeegyo wanaagsan oo raali-galiya.

Halkan ka DAAWO WARKA BARNAAMINKA HANO HADYADDA:

img_2562 img_2614 img_2516 img_2477 img_2473

img_2487

img_2525

img_2666

img_2525

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.