Shirkadda Telesom oo Maal-galisay Mashruuca Caruurta La Nool Xanuunka Macaanka Wajigiisii Labaad ee 2017

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa $15,000 ku wareejisay maamulka Cusbitaalka Global Polyclinic, lacagtan oo ay shirkaddu ugu deeqdo xanaanaynta Caruurta la nool xanuunka macaanka oo ay shirkaddu maal-geliso sanad kasta.

Shirkadda Telesom ayaa sannad walba cusbitaalka Global Polyclinic ugu deeqda $30,000 si daawo iyo daryeel caafimaad loogu fidiyo caruurta la nool xanuunka macaanka. Cusbitaalkan ayaa gacanta ku haya caruur la nool  cudurka macaanka oo tiraddoodu dhan tahay 150 caruura. Kuwaasi oo la siiyo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran iyo talooyin la xidhiidha baahiyahooda gaarka ah.

“Mashruucan oo muddo badan soo socday, oo ay iska kaashadeen Telesom iyo Cusbitaalka Global Polyclinic runtii dad badan oo Somalilander ah oo danyar ah oo xanuunka macaanka la nool sidii wax loola qaban lahaa, hawshaas oo ah mid baaxad badan,  muddo badanna soo socotey.  Shirkaddan ayaa ku dedaasha inay bulshadeeda ku soo celiso qayb ka mid ah faa’iidooyinka ay ka heshay, cusbitaalkuna talooyin badan iyo arrimo aad u muhiima ayuu muddadaasi soo waday. Sannadkan oo ah sannadkii afraad waxaanu maanta halkan u joognaa  inaanu bixino Lacag dhan $15,000 oo ah wajigii Labaad ee sannadkan (2017). Wajigii hore ee sannadkana waxaanu soo bixinay $15,000”. Sidaas waxa yidhi Maamulaha Xidhiidhka Dadwaynaha shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo.

Maamuluhu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Mashruucan waxaanu ugu talo galnay in lagu daweeyo 150 caruur ah oo la nool cudurka macaanka. Mashruuca caruurta la nool cudurka macaanku waa arrin culus waana arrin aanay xalin karayn shirkadda iyo cusbitaalka oo keliya balse u baahan arrin qaran si laysaga wada kaashado. Dadkaanu hadda awoodi karnaa waa 150 qof ee aanu dawooyinka, talooyinka iyo wixii ay u baahan yihiin siino , dadkaasna hadda waxa ka muuqata isbadal fiican,  waxaanan u mahadnaqayaa Cusbitaalka Global Polyclinic oo runtii hawshaas iyo culuskaasi gaar haysto, shirkadda waxaan leeyahay ALLE halkaad ka soo saarteen khayr ha idiinku badelo madaama oo ay u heellan tahay bulshadeeda, waana shirkadd manfac iyo horumar badan waddankan usoo hoysay, una damqata dadkeeda hadey gurmadkii abaaraha tahay, haddey waxbarashadda tahay , hadday caafimaadka tahay, umadday ka shaqaysatana wax ku soo celiysa”. Sidaasi waxaa yidhi Mudane Darbo.

Shiradda Telesom ayaa guddoonsiisay $15,000 oo ah wajigii labaad ee sanadkan 2017 Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo ah maamulaha dhakhtarka Global Polyclinic, waxanau shirkadda ugu mahadnaqay sidey hiil iyo hooba ula garab taagan tahay ummaddeeda gaar ahaan caruurta la nool macaanka.

Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo ka hadlay munaasibadan lacagta lagu wareejiyey oo ka dhacday cusbitaalka Global Polyclinic ayaa yidhi, “Shirkadda Telesom aad iyo aad ayay u mahadsan tahay, runtii waa shirkad lagu tilmaami karo inay hormuud u tahay waxqabadka dalkan iyo dadkan waxaana tusaale u soo qaadan karnaa mashruucan oo shirkaddu nala waddo ee lagu caawinayo caruurta la nool cudurka macaanka, caruurtaasi waxay ka soo jeedaan qoysas dan yar ah, waana qoysas askar, kuuli, wastaadiin iyo kuwo bilaa camal ah. Runtii qoysaskaasi may kari jirin in ilmahooda ay u helaan dawadii macaanka ka dejin lahayd, mishiinadii macaanka lagu baadhayay, may heli jirin irbadaha yaryar ee macaanka lagu eego, may heli jirin irbadaha macaanka , runtii dhib badan bay la kulmeen taasina inta badan waxay keeni jirtey in uu dawo rasmi ah ilmihii waayo macaankiisi bilaa kaantarool noqdo, waana ta keentay in ilaa toboneeyo ka midi oo kaantaroolkoodu liitey ay geeriyoodaan, markaa taasi maanta waxbadan ayay ka tartay ubadkii danb.”

Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Bilkasta waxa la qaybiyaa dawadii, waxa la qaybiyaa strips kii, waxa la qaybiyaa irbadihii, wixii aanu dawayn karno waanu dawaynaa oo waxaanu siinaa daawayn bilaash ah. Runtii wax badanna way maqan yihiin waxbadanna way noo qabsoomeen, waxa inoo qabsoomay waxa ka mida dawooyinkii aasaasiga ahaa inay 150 ciyaali haystaan, waxa jira dad aan ilaa 70 ka yarayn oo iyaguna baahi hayso  arrintaasi maaha mid Telesom oo keliya u baahane waa arrin la rabo inay dawladdu hormuud u noqoto, waa arin u taalla dadkeena tijaarta ah ee wax haysta, anaguna xarrun caafimaad ahaan wixii dedaalkayaga ah waanu samaynaynaa, shirkadda Telesom-na waxaan leeyahay ILLAAHAY badal khayr qaba ha idinku badalo, shirkaddana waxaan ka rajaynaynaa wax tar intaas ka badan inay tari doonto mustaqbalka dadkeeda”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.