Shirkadda Telesom oo Hadyaddo Qaaliya Guddoonsiisay Macmiisheeda Ku Guulaysatay Abaal-marinaha Hano Hadyaddaada iyo Aqoonmaal ee Bisha March

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa hadyaddo qaali ah guddoonsiisay 89 macmiil oo ku guulaystay abaal-marinaha Barnaamijyadda Hano Hadyaddaada iyo Aqoonmaal ee bisha March, xafladan oo ka dhacday xarunta guud ee shirkadda ee magaaladda Hargeysa maalinimadii Axadda.

Shirkadda Telesom ayaa bilkasta hadyaddo qaali ah gudoonsiisay macmiisha ka qayb-gasha barnaamijka Abaal-marinta Hano Hadyaddaada oo uu macmiilku fariin gaaban oo ah “Abaal-marin” u diro lambarka gaaban ee “111”, Macmiishan oo ah macmiisha khadka internet-ka ka isticmaasha moobayladooda. Sidoo kale shirkaddu waxay abaal-marino gudoonsiisaa macmiisha iska diwaan-galisa adeegga Aqoonmaal.

Labadan barnaamija shirkaddu waxay ku bixisaa abaal-marino iskugu jira Qasaalado, Tallaagado, Shooladaha gaasta cuntadda, moobayladda Smartphones-ka, Tablets, Qalin Qur’aan, Mifi-yo, Rooter-da Internet-ka iyo hadyaddo kale.

Munaasibadan abaal-marinta bisha March waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan shirkadda Telesom iyo qaar ka mid ah macmiisha ku guulaysatay abaal-marinta ee gobolka Maroodi-jeex. Xafladdan waxaa ka hadlay masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo qaar ka mid ah macmiishii ku guulaysatay abaal-marinaha.

Maamulaha Waaxda Suuq-gaynta ee shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aadan Ismaacjil Aar oo ugu horayn ka hadlay munaasibadda abaal-marinta ayaa yidhi, “Maanta halkan waxaanu ku abaal-marinaynaa 89 macmiil oo ah macmiisha isticmaasha adeegga Aqoonmaal iyo Adeegyadda Data ama internet-ka ee ka isticmaala moobayladooda”.

Cabdiraxmaan Aar ayaa intaasi ku daray, “Waxaan xusi lahaa 89-ka macmiil ee ku guulaystay ay dhammaan yihiin xarumaha ay Telesom ka shaqayso, oo aanay kaliya ahayn Hargeysa oo aanu maanta ku bixinayno jawaa’ista, laakiin macaamiishii kale ee goboladda joogtayna runtii iyagana ay goboladoodii ay kaga qayb-qaadanayaan”.

Axmed Sheekh maamule ku-xigeenka Waaxda Iibka ee shirkadda TELESOM oo ka hadlay munaasibadda Abaal-marinta macaamiisha Telesom ayaa tilmaamay waxa ay shirkadda TELESOM ka aamin tahay macmiilka, waxaanu Yidhi, “Macmiilka waxaanu ula dhaqannaa sida boqorka. Boqorka waad aragteen siday Soomaalidu boqorka ama madaxweynaha oo kale ay u maamuusto. Runtii annaga macmiilku sidaas oo kale ayuu noo yahay. Sidaasi daraadeed, shirkaddu kaayaga u hooseeya iyo ka u sareeya waxaanu idinka aaminsan nahay in aan tihiin boqorkii aanu u shaqaynaynay. Anagu sidaanu aaminsan nahay waxaa weeye ama naga go’ani in aanu hadyo iyo jeer xaqiijino in aanu macmiishayadda hadyo jeer u dhibirsanaano, waxna ku celino”.

Maxamed Cabdi Darbo Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda TELESOM oo soo afmeeray xafladan abaal-marinta macmiisha ku guulaysatay abaal-marinaha Hano hadyadda iyo Aqoonmaal ayaa ka hadlay sababta ay shirkadda Telesom macmiisheeda wax dib ugu celiso waxaanu yidhi, “Sababa aanu hadyadahan u bixino waxa ugu muhiimsan in la dhiiri-galiyo macmiilka iyo in aanu tusno in shirkaddani tahay shirkadda u adeegta macmiisheeda ama dadkeeda. Hadd iyo goor shirkaddu waxanay u taagan tahay inay ku celiso wixii ay ummaddan ka heshay wax ka mid ah”.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom ayaa carabaabay siyaabaha kale ee ay shirkaddu bulshadeeda wax ugu celiso, waxaanu sharaxay mashaariicda iyo gargaarka ay ka gaysato dhinacyadda: Waxbarashadda, Caafimaadka, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gurmadda abaaraha iyo taakulaynta joogtadda ah ee ay bulshadda qaybaheeda kala duwan iyo xukuumadda u fidiso shirkadda.

Qaar ka mid ah macmiisha ku guulaystay abaal-marinaha Hano hadyaddaada iyo Aqoonmaal oo ka hadlay xafladan abaal-marinta ayaa shirkadda Telesom si weyn uga mahadnaqay abaal-marinta ay guddoonsiisay shirkaddu iyo sidoo kale tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkadda dalka ku soo kordhisay, taasi oo ay sheegeen in waddamo badan oo Somaliland jaar la ahi aanay ka jirin tiknoolajiyad sidan u casri ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.