Shirkadda Telesom Oo Boorama Ku Daah-furtay Adeegga Casriga ah ee 4G++, Abaal-marinana Gudoonsiisay macmiisheeda

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa habeenimadii Jimcaha ku soo gabo-gabaysay magaaladda Boorama xaflad ay ku daah-furtay adeegga 4G++, waxanay shirkaddu abaal-marino gudoonsiisay 90 macmiil oo ka mid ahaa macmiishii ka soo qayb-galay abaal-marinta tijaabi nasiibkaaga oo isla goobta xafladda lagu qabtay.

Xafladan oo ka dhacay huteel Rays ee magaaladda Boorama, waxa ka soo qayb-galay badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine, Maayarka degmadda Boorama Maxamed Xuseen, Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Camuud Professor Maxamed Muxumed Diiriye,  Dr. Axmed Aadan Buuxane, Tin Jackson Bare Sare ka ah Jaamacadda Camuud, masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo marti-sharaf kale oo tiro badan oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Shirkadda Telesom ayaa macmiisheeda u daahfurta adeegga casriga ah ee 4g++, waxaa sidoo kale daahfurka qayb ka ahaa barnaamijka Tijaabi nasiibkaaga oo loogu talo-galay in abaal-marin lagu siiyo macmiisha ka soo qayb-gashay daah-furka, waxaana abaal-marino la gudoonsiiyey 20 macmiil oo helo mobayladda casriga ah ee 4G-ga ku shaqeeya iyo 70 macmiil oo helay Mifi-yo (Qalabka yare ee xambaara adeegga 4G+ ee jeebka lagu qaado).

Sheekhul baladka magaaladda Boorama Sh. Cabdilaahi Sh.Cali Jowhar kana mid ah saamilayda shirkadda Telesom oo lagu sharfay furitaankii xafladda ayaa si rasmi ah u furay xafladda waxaanu u mahadnaqay dhamaan masuuliyiintii iyo marti-sharaftii ka soo qayb-galay xafladda lagu daah-furaayey adeegga 4G++, waxaanu sheegay in aad ugu faraxsan yahay inuu goobtan ku arko dhalinyaro badan oo aqoonyahano ah.

Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine ayaa shirkadda Telesom  ku hambalyeeyey adeegga cusub ee 4G++ ee ay bulshadeeda u soo bandhigtay, waxaanu yidhi, “Adeeggan 4G++ ee shirkada Telesom keentay aad baan ugu faraxsanahay, dalka horumarkiisa waxa lagu ogaadaa jiilka u soo kacaya, shirkada Telesom waxay ina gaadhsiiyey inaynu Yurub kaga horeyno xaga telefoonada. Dhinaca kale Adeega ZAAD iyo telefoonaddaba waxaynu kaga horeynaa waddamo badan”.

Maayarka degmadda Boorama Maxamed Xuseen ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay adeegga casriga tiknoolajiyadda ah ee ay u soo bandhigtay bulshada qaybaheeda kala duwan. Maayar Maxamed ayaa yidhi, “Shirkadan Telesom waa shirkada wax wayn qabata, marwalbana waxay soo kordhisaa waxay umaddu u baahan tahay, waa shirkad laf-dhabar u ah shirkaddaha waddanka. Wadanada kale ee geeska ee aynu ku naalo intooda badan waxaynu kaga horumarsan nahay xaga isgaadhsiinta, shirkadda Telesom-na aad ayay ugu mahadsan yihiin waxqabadka tiknoolajiyadda fiican ee marwalbana soo kordhinayaan”.

Gudoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Camuud Maxamed Muxumed Diiriye oo ka hadlay munaasibadda daah-furka adeegga 4G++ ayaa horumarka ay samaynayso shirkaddu, waxaanu yidhi, “Haddii aad aragto meel ay dhalinyaro ku soo uruurtay horumar baa yaala, dhalintan quruxda badani Telesom waxay maanta ugu soo uruurtay, waa horumarka ay samaynayso Telesom. Waxaan markhaati ka ahay Telesom inay wax noo tarto oo anaguna haddaanu reer Camuud nahay aanu wax u tarno ayaan markhaati ka ahayd. Dhawr wiig ka hor 50 koobiitar ayey jaamacadda soo gaadhsiisay oo ay ardaydu wax ku barataa”.

Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka mid ah marti-sharaftii ka hadashay madasha ayaa shirkadda Telesom ku amaanay adeega ZAAD iyo sida uu dunida u baray Somaliland waxay tahay, waxaanu diktoorku yidhi,  “Waxyaalaha aan la yaabay waxaa ka mid ah, horta ma aragteen qoraalka dheer iyo qudbadda uu jeediyey Bill Gates, markuu Microsoft amaanaayey iyo barnaamijyaddaasi inuu ka waramay nidaamka ZAAD-ka qiimaha uu ku leeyahay aduunyadda inaynu ka mid noqonay waddamada aduunyadda ugu horeeya xagga IT-ga”, sidaasi waxaa yidhi Dr. Buuxane.

Bare sare oo Jaamacadda Camuud ka tirsan oo lagu magacaabo Tin Jackson oo luuqadda Somaliga ku hadlaayey ayaa sheegay in markii ugu horaysay ee shirkadda Telesom uu qaatay mobaylkeeda uu u bogay tayadeeda, waxanu yidhi, “Waxaan xasuustaa maalintii kowaad ee aan iibsaday simcard, waxaa ku qornaa ‘Tayo waa Telesom’, waxaan fahmay ‘Telesom’, waxaan fahmay ‘waa’, laakiin waa fahmi waayey ‘TAYO’, ugu dambayntii markii aan bartay afsoomaliga oo aan ogaaday Tayo waa Quality, waxaan is idhi haa runtii ‘Tayo waa Telesom’. Aad iyo aad baan kuugu hambalyeynayaa shirkadda Telesom”.

Marwo Basra Jirde Shiil oo ku hadlaysay afka dumarka ayaa dhalinyaradda ku dhiiri-galisay inay ka faa’iidaystaan fariinta adeegyadda horumarinta ah ee shirkaddu ay maal-maha qaarkood u soo dirto macmiisheeda, waxaanay tidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay shirkadda Telesom oo runtii maalin walba mar ama laba goor wax inoo soo dirta, oo waxaasi inoogu sheegaysa inuu horumar yahay, laakin inta looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan horumarka ay samaynayso shirkaddani iyo shirkadaha kaleba waa idinka dhalinyarta ah”.

Maamulaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo oo ka hadlay munaasibadda Daah-furka adeegga 4G++ ayaa sheegay adeegyadda ay shirkaddu u soo kordhisay bulshadeeda, waxaanu yidhi, “Shirkada Telesom waa shirkad ay leedahay saamilay badan, shirkada Telesom waxay ku caanbaxday hogaaminta tiknoolajiyadda  iyo curinta marba adeegyada anfac u leh bulshada. Sidaad la socotaan waa shirkadii ugu horeysay ee keenta landline, internkii ugu horeeyey ee la isticmaali jiray ee dalka ee Dail-up-ka iyo GSM-ka. Markii danbena waxaanu keenay jiilkii 3-aad ee 3G. Haddana waxaanu keentay adeega casriga ah ee 4G++  waana dhabada lagu gaadhayo jiilka 5-aad oo runtii inoo dhaw. Adeegan faa’iido badan ayuu leeyahay, adeegan markii la furayay waxaanu ku samaynay qiimo dhimis fiican”.

Maamulaha Telesom Boorama Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa ka hadlay kaalinta ay shirkadda Telesom ka qaadato arimaha horumarinta bulshadda, waxaanay sheegay in shirkadda ay gacanta ku hayso agoomaha Boorama, waxaanu yidhi, “Waxay shirkadda Telesom Boorama ay kafaalo qaaday agoon mucayan ah oo ay sanadkasta bixiso lacagta ku baxayso: dharkooda, cuntadooda iyo waxbarashadooda. Muddo toban sano ku dhow ayay socotaa”.

Maalaha Telesom Boorama Cabdiqadir Aadan Nuura ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegyadda casriga ah ee ay shirkaddu soo kordhisya ee ay ka midka yihiin adeegga ILA-SOCO oo ah adeeg aad ku maamulan karto dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo adeega kale ee Cloud Services oo bulshadda u sahlaya in ay macluumaadkooda ku kaydsan karaan.

Shirkadda Telesom ayaa abaal-marin tijaabi nasiib ah oo ay u qori-tuurayeen qaar ka mid ah masuuliyiintii, culimadii iyo madax-dhaqameedkii ka soo qayb-galay abaal-marinta, waxaana isla goobta abaal-marin lagu siiyey 90 macmiil oo tijaabiyey nasiibkooda oo nasiibkoodu ka soo dhex xulay boqolaal dhalinayro ah oo ka soo qayb-galay xafladda daah-furka adeegga 4G++ ee magaaladda Boorama.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.