Shirkadda Telesom oo Abaalmarino gudoonsiiyey Qaar ka mida Macaamiisheedda

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Telesom ayaa abaalmarino guddoonsiiyey macaamiil ku guuleysatay abaalmarinta la bixiyo bilkasta , abaalmarinaha ayaa isugu jirtay moobaylo casri ah, tablets, Mifi-yo iyo abaalmarino kale oo qaaliya.

Macaamiisha ku guuleystay abaal-marinahan ayaa ah macmiisha isticmaasha adeegyadda Internet-ka, ee 4G, 3G iyo 2G iyo sidoo kale macaamiisha isticmaasha adeegga aqoon-maal. Shirkadda Telesom ayaa bilkasta abaal-marino siisa macamiisheeda.

Maamulaha Waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo iyo maamulaha Waaxda Suuq-geynta Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan (Aar) ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyada abaal-marinta la siiyey macmiisha guuleysatay iyo guud ahaanba arimaha ay shirkadda macmiisheeda ku abaal-mariso. Masuuliyiinta ayaan hambalyo u diray macaamiisha guuleysatay waxaanay macaamiisha kale ee aan wali ku guuleysan u rajeeyeen inay iyaguna ku guuleysan doonaan.

Halkan ka daawo warkan:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.