Shirkadda Telesom oo Abaal-marino guddoonsiisay Macmiisheedii Ku Guulaysatay Abaal-marinaha Hano-hadyaddaada iyo Aqoonmaal

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa abaal-marino qaaliya guddoonsiisay 94 macmiil oo bishii January 2017 ku guulaystay abaal-marinta billaha ee shirkaddu bilkasta ay gudoonsiisay macmiisheeda.

Shirkadda Telesom ayaa maanta xarunta guud ee shirkadda Telesom ku qabatay munaasibad ay ku abaal-marinayso macmiishii ku guulaysatay abaal-marinaha billaha ah ee Hano hadyaddaada iyo Aqoonmaal, macmiishan oo ahayd macmiisha gobolka Maroodi-jeex. Goboladda dalka ayaa munaasibad sidan oo kale ah lagu doonsiisay macmiisha ku guulaystay abaal-marinaha hano hadyaddaada iyo aqoonmaal.

Munaasibada waxaa ugu horayn ka hadlay maamulaha Waaxda Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan (Aar), waxaanu ka warbixiyey macmiisha ku guulaysatay abaal-marinta ay shirkaddu ku abaal-marisay macmiisheeda waxaanu yidhi, “Maanta waxaynu halkan ku abaal-marin doonaa 95 qof oo kamid ah macmiisha shirkadda, oo ku kala guulaystay hadyaddo kala duwan. Macmiisha halkan lagu abaal-marinaayo waxay kala yihiin 52 macmiil oo ku guulaystay barnaamijka la yidhaahdo Aqoonmaal iyo 42 macmiil oo ka mid ah macmiisha isticmaasha Internet-ka mobile-ka, hadduu yahay 2G, 3G iyo 4G++-kaba, waxa kale oo jira 1 macmiil oo bilkasta ku guulaysta barnaamijka la yidhaahdo jidka Makka oo ay shirkaddu ka bixiso cimradda.”

Maxamed Cabdi Darbo maamulaha Waaxda Xidhiidhka dadweynaha oo isna ka hadlay munaasibadan abaal-marinta ee shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay door mihiim ah ka ciyaarto arimaha horumarinta bulshadda. Muddano Dabro ayaa si gaar u tilmaamay qiimaha adeegga ZAAD uu  leeyahay bulshadda iyo sida uu indha caalamka ugu soo jeediyey adeegga ZAAD ee uu u noqday astaan lagu tilmaamo horumarka ay ka gaadhay jamhuuriyadda Somaliland tiknoolajiyadda isgaadhsiinta.

“Telesom waa shirkadda sumcadda badan dalkan u soo hooysay, ninka Bill Gate la yidhaahdaa waxaa uu xusay adeegga ZAAD iyo qiimaha uu dalka u leeyahay. Way adag tahay in nin maalqabeen ahi uu wadan yar oo imika soo koraya uu soo hadal qaado, haddana waxa uu xusay habka aynu u shaqayno, wuxuu xusay faa’iidooyinka uu adeegga ZAAD leeyahay, sidaynu u horumarinay, iyo waliba halka aynu gaadhnay. Markaa ZAAD-ku sumcaddaasi ayuu u soo jiiday dalka.”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo.

Munaasibadan abaal-marinta waxaa isna ka hadlay maamulaha Waaxda Iibka ee shirkadda Telesom Cabdiraxmaan Cabdilaahi Shaqale waxaanu tibaaxay muhiimadda ay shirkadda Telesom u leeyihiin macmiisha waxaanu yidhi, “Dadka waxaa deeqa ixtiraamka, waxaa naga dhaxeeya anaga, shirkadda iyo macmiisha ixtiraam, daacadnimo. Taasina waa ta shirkadda ku horumarayso, waata tiknoolajiyadda la keenaayo. Shirkaddu markasta oo ay horumarto waxaa horumaraya macmiisha, dalkii baa horumaraya wixii oo dhami waa isku wadda xidhan yahay. ”

Gudoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo ka mid ahaa macmiishii ku guulaysatay abaal-marinta shirkaddu ay ee bisha January ayaa shirkadda uga mahadnaqay abaal-marinta ay shirkaddu gudoonsiisay macmiisheeda, waxaa uu sidoo kale xusay in walaashii ay bishii hore ka mid ahayd macmiishii ku guulaystay abaal-marinta hano hadyaddaada ee gobolka Togdheer gaar ahaana magaaladda Burco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.