Shirkadda Telesom oo $20,000 oo Dollar ku Wareejisay dhismaha Maktabadda Gebilay

Gebilay – (warsoor) – Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Gabilay Cabdikariim Aadan Xaaji oo uu Weheliyo Iyo Duqa Degmada Golaha Gabilay Maxamed Cabdi Cumar Iyo Xoghaya Dawlada Hoose Ee Mustafa Maxamuud Xaaji Cabsiiye Ayaa Maanta Si Wadajir Ah U Dhagax Dhigay Goob Cusub Oo Lagu Ciyaaro Kubada Kolayga oo laga hirgalinayo Garoonka Xaafada New .

Maamulka Ayaa Sheegay In Baahi Wayn Loo Qabay hirgalinta Goobtan lagu ciyaarayo Kubada Kolayga. .

Dhanka Kale Shirkadda Isgaadhsiinta Ee Telesom Ayaa Maanta Gudoonsiisay 20.000$ Gudida Dhismaha Maktabada Gabilay.


Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Shirkada Telesom Cabdiwahaab Maax Iyo Maamulaha Shirkada Telesom Ee Gabilay Maxamed Xaashi Aw Jaamac ayaa sheegay in Shirkad ahaan ay ka qayb qaataan arrimaha bulshadda sida Maktabadan oo ay ka faa’iidaysan doonaan Shacabka Magaaladda Gebilay, .

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdi Xakiim Aadan Xaaji, Duqa Magaaladda Gebilay Maxamed Amiin Cabdi Cumar ayaa Shirkadda Telesom uga mahadceliyey qaadhaankan ay kaga qayb qaadanayaan Maktabadada Magaaladda Gebilay.