Shirkadda Telesom iyo hayaddo kale oo iska kaashanaya barnaamij lagu maal-galinaayo hal-abuurka ganacsi ee dhalinyaradda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Shirkaddaha Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, hayaddaha innovate iyo venture for Africa ayaa iska kaashaday barmaamij lagu maal-galinayo fikradaha hal-abuurka ganacsiga ee tiknoolajiyadda casriga ee dhalinyaradda Somaliland, barnaamijkan oo lagu daahfuray Axadii magaaladda Hargeysa.

Barnaamijkan hal-abuurka ganacsiga oo socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana ka soo qayb-galay in ka badan 50 xubnood oo iskugu jiray ardayda jaamacaddaha dalka wax ka batarta, dhalinyaro ganacsato ah, masuuliyiinta Wasaaradda ganacsiga, maamulka iyo masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo hayaddaha Innovate iyo Venture for Africa.

Munaasibadda daah-furka barnaamijkan waxaa ka hadlay Agaasimaha Arimaha horumarinta Bulshadda ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax, waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey kaalinta shirkadda Telesom kaga jirto horumarka dalka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Mar haddaanu nahay hogaanka isgaadhsiinta dalka sidoo kalena aanu ka mid nahay shirkadda dalka ugu waaweyn waxaa waajib nagu ah in aanu gacan qabano dhalinyaradda iyo dadka soo koraaya ee maskaxdoodu wali dihin tahay ee u baahan in laga soo qufo waxa ku jira ee ah hal abuur ganacsi ama mid tiknoolajiyaddeed intabada.”

Md. Maax ayaa intaasi ku daray, “Anagoo qaadanayna waajibaadka iyo masuuliyaadka dalku nagu leeyahay qaadanayna farxad bay noo tahay, waxaanan rajaynayaa in barnaamijkani aanu noqon mashruucii ugu dambeeyey ee aanu dhalinyaradda iyo hal abuurkooda ku taageerayno, waanu sii waddi doonaa kuwa hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka intaba in aanu gacan siino dhinac kasta leh”

IMG_1278

Md. Cabdiwahaab Maax ayaa sheegay in shirkadda Telesom 95% shaqaalaheedu yihiin dhalinyaradda dalka wax ku bartay kuwaasi oo soo saaray tiknoolajiyadda ay shirkaddu dalka ku hogamaamiso.

Furitaanka Barnaamijka hal-abuurka ganacsiga waxaa isna ka hadlay madaxa hayadda innovate Md. Cabdikariin Diiriye waxaanu ka hadlay faa’iidooyinka ku jira barnaamijkan ay dhalinyaraddu ku soo bandhigayaan fikradahooda ganacsi waxaanu yidhi, “Mashruucan wuxuu leeyahay ujeedooyin fara badan waxaana ka mid ah in tababaro, toosin iyo taageero lagu siiyo dhalinyaradda xirfadlayaasha ah ee haya fikraddo ganacsi oo waaweyn oo midho-dhali kara”.

Hayadda Innovate oo ah hayadda ay aasaaseen dhalinyaro Somaliland u dhashay. Haayaddan ayaa uruurisa oo tababaro siisa dhalinyaradda Jaamacadaha ku jira iyo kuwa haya fikraddo ganacsi oo ay ganacsi ka samayn karaan.

Hayadda Venture for Africa oo iyana barnaamijkan qayb ka aha,  waa hayadda ka hawl-gasha in ka badan 42 dal oo Afrika ku yaala, waxaana hayaddan xubno ka ah in ka badan 30,000 oo qof. Hayadda ayaa sidoo kale wadda shaqayn la leh halmilyan oo maalgashadayaal iskugu jira shirkaddo, hayaddo, ganacsato iyo shaqsiyaad ah.

Mashruucan Hal-abuurka ganacsiga Somaliland waa mid u furan dhamaan dhalinyaradda Somaliland ee haya fikraddo ganacsi oo tiknoolajiyadeed kuwaasi oo soo kordhin kara horumar. Mashruucan dhalinyaradda ku guulayastadda waxay heli doonaan abaal-marin lacageed oo dhan $10,000. Mashruucan waxaa la iska diwaan-galin karaan shabakadda hayadda innovate ee (www.innovate.so), mudda uu dambaysa ee uu xidhmaanyo isdiwaan-galintu waxay ku eegtahay 12 Augusto, 2016.

IMG_1277

IMG_1290 IMG_1287

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.