Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Afrika oo Si Wadda Jir ah u Daahfurtay Adeegga Cusub ee Xoogsade

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee horumarinta Afrika ayaa maanta si wadda jir ah u daahfuray adeegga cusub ee Xoogsade, Adeegan oo kuu sahlaya in aad dalban karto farsamo-yaqaano xirfad leh adiga oo jooga gurigaaga iyo goobtaada shaqo.

Munaasibada lagu daah-furaayey adeegga Xoogsadda oo ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  Xog-hayaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Daladda SONYO, masuuliyiin ka socotey hay’addaha goloyaasha qaranka, Shirkadaha ganacsiga, ururadda rayidka ah, farsamoyaqaano ka qaybgalay iyo marti-sharaf kale.

Munaasibada waxaa ka hadashay Garyaqaanadda Guud Telesom marwo Ilhaan Dahir Xasan waxaanay sheegtay in adeegan (XOOGSADE) uu shaqo-abuur u sameyn doono dadka leh xirfadaha: cunto-karinta, cilaan-saarka, biyo-galinta, dhismaha, nijaaradda, makaanikada iyo timo-jarista. Garyaqaan Ilhaan ayaa sidoo kale sheegay in adeeggan Xoogsade uu si weyn uga faa’iidi doonaan haweenku.

Cabdiraxmaan Aadan Ismaaciil (Aar) Madaxa Waaxda Iib-geynta ee shirkadda Telesom ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey adeeggan Xoogsade, waxaanu sheegay in adeegani uu isku xidhi doono qofka xirfadda leh iyo qofka doonaya in loo qabto adeeg. Madaxa Suuq-geynta Telesom ayaa sheegay in adeegani uu kaga duwan yahay adeegyadda kale, qof doonaya in shaqo loo qabto uu helaayo qof xirfaddiisa la hubo  lana xaqiijiyey xirfadiisa, tababar-na la soo siiyey, akhlaaqdiisu dhisan tahay. Haddaba qof doonaya inuu helo qof xirfadle ah, waxa uu garaacayaa lambarka *403# si bilaash ah.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo bulshadda ku dhiiri-galinaysa in laga faa’iidayso barnaamijkan ayaa tidhi, “In aynu farsamadan oo kale ka faa’iidaysanaa waxay sababeysaa saddex shey: Marka koowaad dadku inay dalkiisa ku nagaadaan, sababtey ugu nagaadayaana, waa inay ka baxaan shaqo la’aanta baahsan; marka labaad qofku inuu noloshiisa oo dhameystiran heli karo, waayo dhaqaaluhu waa waxa adigana wax kaa dhigaya qoyskaagana wax ugu qaban karto; ta saddexeysaana waxaa weeye inaynu qarankeena wax ku celin karno”.

Qaar ka mid ah masuuliyiintii soo tababaray xirfadlayaasha ayaa u mahadnaqay shirkadda Telesom iyo hay’adda Maraykanka ah ee Horumarinta Afrika oo maal-galisay xirfadlayaasha barnaamijkan lagu bilaabay ee tababaradda la siiyey. Waxaanay soo dhaweeyeen Adeeggan Xoogsade oo ay sheegay in uu yahay barnaamij tiknoolajiyeed oo xaliyey dhibaatadda dadka ka haystay inay helaan farsamoyaqaano aqoon leh soo ay si degdega u heli karaan iyagoo ka faa’iidaysanaya tiknoolajiyada.

Agaasimaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Cali Cabdilaahi Daahir iyo Xoghaya rugta ganacsiga Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cilmi waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen barnaamijkan ay shirkadda Telesom soo bandhigtay, waxaanay sido kale hambalyo u direen oo ay bogaadiyeen shirkadda Telesom iyo dadkii kale ee soo qaban-qaabiyey barnaamijkan.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.