Shirkadda Telesom iyo Baanka Dhexe ee Somaliland oo Go’aan Cusub Ka Soo Saaray Adeegga ZAAD

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Telesom iyo Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa maanta soo wadda saaray war-murtiyeed la xidhiidha Adeega ZAAD.

Agaasimaha Horumarinta Ganacsiga eeShirkadda Telesom Md. Cabdisalaan Ismaaciil  ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay joojin doonto isku badalka sarafinka Doollarka iyo shilling-ka Somaliland ee moobaylka dhexdiisa muddo shan maalmood ah guddaheed. Waxay shirkaddu balan qaaday in ay dhiiri gelin doonta lacagta Shillinka Somaliland.

Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdilaahi ayaa sheegay in shirkadda Telesom iyo baanku go’aansadeen inay ka wadda shaqeeyaan kor u qaadida lacagta shilinka Somaliland. Agaasimaha ayaa sheegay in lacagta Zaadka ee shillinka iyo lacagta naqadka ahi ay isku mid yihiin, wuxuu.sheegay inay sharci daro tahay ciddii diinana ama ka hortimaada wax ku iibsigeeda.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.