Shirkadda Somaliland iyo Xukuumadda OO Saamiyo Ku Wadda Heshiiyey Xadhgia Fiber-ka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xukuumadda Somaliland iyo Iskadaha isgaadhsiinta ee dalka ayaa ku heshiiyey in saami ay ku yeeshaan xadhiga fiber optic-ga oo muddo uu taaganaa murarka u dhexeeya shirkaddii dalka keentay iyo Somcable iyo shirkaddaha Telesom iyo Somtel.

Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa heshiis ku dhexmaray xarunta wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland. Ujeedda kulanka ayaa ahayd in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ay wada yeelan doonaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo dawlada Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu JSL.

Hirgalinta heshiiskan oo dhawrkii sanno ee u danbeeyey Wasaaraddu gacanta ku haysay ayaa waxa kaalin laxaad leh ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aaminsan furfurnaanta suuqa Isgaadhsiinta si loo xaqiijiyo horumarinta suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.

Haddaba, heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayaa faaโ€™iidooyinka ugu waaweyn ee heshiiskan waxa ka mid ah:

  1. Midaynta maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet-ka ee Fiber-ka.
  2. Kor-u-qaadida iyo tayaynta adeegyada internet xawaare sare leh oo qayb ka noqda horumarka dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo fududaynta helidda adeegyada dawladda.
  3. In si habsami leh maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka loo qorsheeyo loona mideeyo.
  4. In maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ku uu fududeeyo helidda internet xawaarihiisu sarreeyo.
  5. Heshiiskani waxa uu Somaliland u saamaxayaa in ay yeelato shirad kaalin weyn ka ciyaarta tartanka suuqa maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka ee gobolka.

Wasaaradda Isgaadhsiinta waxa marwalba ka goโ€™an sidii saamilayda Isgaadhsiinta iyo suuqa isgaadhsiintaba dhex looga noqon.

Saamiga ay ku heshiisyeen shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawladda JSL ee kaabayaasha xadhkaha Internet-ka ee Fiber-ka dhulka. Ka badda cid walba way keeni kartaa.

  • 31.67% – Telesom
  • 31.67% – Somtel
  • 31.67% – Somcable
  • 5.0% – Dawladda JSL oo ay wakiil ka tahay WI&T.

32Abokor Aw-Ali and 31 others5 Comments7 SharesLikeCommentShare