Shirkadda Sagaljet oo Soo Bandhigtay Diwaan Lagu Uruuriyey Sugaantii Silsiladdii Siinlay

Hargeysa – (warsoor) – Munaasibad ay soo qaban-qaabisay shirkadda daabacadaha ee SAGALJET oo lagu daah-furaayey buuga cusub ee lagu uruuriyey silsiladdii Siinay ee ka curtay dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya la isku odhan jiray todobaatanaadkii (1970s).

Munaasibad daah-furka buuga diwaanka maansooyinkii Siilnay oo uu qoray Abwaan Yuusuf Cabdilaahi Cismaan (Yuusuf Shaacir) ayaa habeenkii Jimcaha ka qabsoontay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa waxaan ka soo qayb-galay masuuliyiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

sagaljet

Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay gudoomiyaha shirkada daabacadda xayeysiisyadda ee sagaljet waxaanu ka hadlay …. Waxaanu yidhi, “Dhallinyarada maanta halkan fadhidaa way ka nasiib badan yihiin kuwoo qayrkood ahaa ee wakhtiyadii hore jirey, caawana waxa inala jooga awbaan Cabdiqays oo kamid ah afarta abwaan ee Buugga jaldigiiga ku sawiran, waxana uu nasiib u helay inuu xafladda inaga soo qaybgalo, wakhtigii ay Siinleydu socotayna da’diina way ka yaraayeen, dhimbiishii ay huriyeenna waxa ay kicisay dad badan oo mujaahidiin ahaa oo dhiigooda u huray in dalkani uu noqdo mid xor ah oo nabadiisii aynu maanta ku naaloonayno. Wakhtigii ay halganka galeena da’diina kama ay yarayn, waxana ay ku qaadatay in meesha ay doonayaan ay qori ku gaadhaan, laakiin maanta waxa in badan oo halkan fadhidaa fursad u heleen in waxa ay doonayaan ay cod iyo qalin ku helaan.”ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Aar.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay abwaanka buugga Siilneyda qoray iyo waliba shirkadda SAGALJET ee daabacday, waxana uu sheegay inay qaadeen tallaabo taariikhi ah oo dhaxalka umadda wax kusoo dartay.

Qoraa Buube Yuusuf Ducaale oo isaguna munaasibadda ka hadlay  waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay sil-silada Siinleyda ee buuggan laga qoray, waxana uu dadka xasuusiyey dhibaatooyinka abwaanno uu Cabdi-qays kamid ahaa usoo mareen silsiladdan.

Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays)oo isaguna halkaas ka hadlay, kana mid ah afarta abwaan ee doorka ugu weyn ka qaatay silsiladdii siinayda oo halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu hadalladiisii kamid ahaa “Qolada SAGALJET aad baan ugu mahadnayaa, lacagta u hura buugga oo qaata annaguna abwaanka markaasaanu shaxaadi doonaaye.”

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(gurey),  qoraa Maxamed Ibraahim Xujaale, Qoraa Cabdalle Xaaji Cali, Maxamed Biixi Yoonis, Cali Cabdi Saa’iq iyo xubno kale oo madashaas ka hadlay, ayaa dadka ku guubaabiyey inay si lacagta u huraan buugga, isla-markaana niyadda u dhisaan qoraaga isku  luray inuu wakhti badan geliyo daabacaadda buugaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.