Shirkadda Nokia iyo Halkii ay ku dambaysay

Shirkadda Nokia waxaa la aasaasay 1865 kii, intii sagaashamaadkii ka dambaysayna waxaa aad looga dambayn jiray qalabka isgaadhsiinta ee ay samayso, gaar ahaan talefannada gacanta, qalabka war isgaadhsiinta dayaxgacmeedyada iyo hal-abuurkii iyo samayntii GSM ka iyo Khadka 3G. Taleefannada ay soo saarto ayaa mar ahaa kuwa loogu iibsiga badnaa adduunka, iyada oo ay kaalinta labaad ku jirtay shirkadda hadda caanbaxday ee Samsung.

Mar keliya ayaa shirkadda Nokia ay si fudud saaxadda uga baxday, talefannadeediina laga waayey suuqyada. Ugu dambayntiina shirkadda weyn ee Microsoft iibsatay ganacsigeeda dhinaca talefannada gacanta.

Waxaa la sheegaa agaasimihii shirkadda Nokia markii uu ka hadlayey shirkii jaraa’id ee uu kaga dhawaaqayey la wareegista Nokia in uu yidhi, “Ma’ aanu samayn wax qalad ganacsi ah, haddana waa aanu khasaarnay uun”
Markiiba dadka Arrimaha ganacsiga iyo horumarka daraaseeyaa waxa ay is weydiiyeen in uu agaasimuhu ku saxanyahay warkiisa ah ‘Gef ganacsi ma aanu samayn!!”
Waxa aanay soo saareen qaladaadka ay shirkaddu samaysay ee ay tahay in shirkad iyo qof kasta oo kalaba iska ilaaliyo.
“Isbedelka dunidu xawaare aad u sarreeya ayaa uu ku socdaa, haddii aad la jaanqaadi weydana, kuwa aad loollamaysaan ayaa ka faa’idaysan doona” taas ayaa ay noqotay talada shirkaddu garanweyday.

Nokia gef ganacsi oo la taaban karo ma’ay gelin, horumar badanna teknoolajiyadda waa ay ku soo kordhisay, waxa se lagu dhaliilay in ay ka gaabisay la socoshada xawaaraha horumar ee teknoolajiyaddu samaysay, sidaas awgeed ay ka hadhay isbeddelkii.

  • Haddii aanad isla beddelin waayaha, dhaqso ayaad loollanka uga hadhi doontaa.
  • Inta aad la socoto xawaaraha isbeddellada waxa aad haysaa tubtii guusha, maalinta se aad bartii yaqaan noqoto isu diyaari xabaashii guuldarrada.
  • Inta aad wax baranayso jidka guusha ayaa aad ku taagantahay, laakiin maalinta aad is tidhaahdo waxbarasho kuuma hadhin, ogow in guuldarro kuu xigto.
  • Nokia waxaa lagu tilmaamay shirkad aan jeclayn in ay faraha la gasho waxa aanay hubin in ay xakamayn karto, haddii si kale loo dhigo, shirkad neceb is miidaaminta, waa se ay eeday, waayo ganacsigu miidaamo kama maarmo.