Shirkadda Laydhka ee Gaafane oo Ka Cabanaysa Shirkadda Laydhka ee Sompower

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Laydhka ee Gaafane ayaa sheegtay in shirkadda Laydhka ee Sompower oo adeegsanaysa ciidamada boolis ah ay laydh-galin ka waddaan goobo ay shirkaddani ka ganacsato.

Maamulaha Shirkadda gaafane ayaa sheegay in shirkadda Sompower ay adeegsato ciidamo boolis ah oo aan amar ka haystan taliyaha ciidanka Somaliland, balse meelo dhexe amaro laga soo siiyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay waraaqo ogolaansho ah u siiso oo kaliya shirkadda Sompower, balse aanay shirkaddaha kale ee laydhka  u ogolayn.

Guddoomiyaha gaafane isagoo ka hadlaya dhibaatadda kala haysta shirkaddiisa iyo shirkadda Sompower ayaa yidhi, “Laynkan buurta kala jeexan dhexmara dhawr jeer ayaa dagaalo ka dhacay, laba jeer anaga iyo Sompower ayaa isku laynay. Annaga uun baa mar walba lana xidhxidhaayey oo la na gaynaayey Saldhiga, eedana anaga uun baa la na saarayaa. Waraaqahan ayey qiil ka dhiganayaa, hadda wasaaraddu anaga nooma ogola nooma qorayso. Imikaan u taagan nahay hadday na siinayso ha keento”.

Shirkadda Gaafane ayaa xukuumadda ugu baaqday inay arintan wax ka qabato suuqa laydhkana lagu tartamo oo xor loo noqdo.

HALKAN KA DAAWO WARAYSI LAGA GUDDOOMIYAHA SHIRKADDA GAAFANE:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.