Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom oo Abaal-marino guddoonsiisay Macaamiisha Ku Guulaysatay Abaal-marinaha Bishii November 2017

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa abaal-marino guddoonsiisay macaamiisha shirkadda ee ku guulaystay abaal-marina billaha ah ee Aqoonmaal, Hano Hadyadda iyo Jidka Makka.

Shirkadda Telesom ayaa xafladda abaal-marinta ku qabatay xarunta guud ee shirkadda ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay qaar ka mid ah maamulka shirkadda iyo macaamiisha shirkadda ee ku guulaystay abaal-marinaha kala duwan ee shirkadda bixiso, macaamiisha la abaal mariyey ayaa dhamayd 95 macmiil oo kala jooga dhamaan gobolada Somaliland.

Munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa laanta Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Md. Cabdiraxmaan Aadam Ismaaciil (Cabdiraxmaan Aar) waxaanu ka warbixiyey abaal-marinaha shirkaddu guddoonsiisay macmiisheeda, waxaanu yidhi, “Barnaamijka aynu maanta u fadhino wuxuu ka kooban yahay, saddex barnaamij oo kala duwan oo mid walba ay shirkaddu ku bixiso abaal-marino. Waxaana kamid ah barnaamijka Hano Hadyaddaada oo macaamiisha moobaylkooda ka  isticmaasha internet-ka oo qof kasta oo macmiil u ah shirkadda TELESOM oo internet-ka isticmaala moobaylkiisa waxa uu awood u leeyahay inuu barnaamijkaa ka soo qayb-galo, nasiibkiisana tijaabiyo, isagoo kelmadda ‘Abaal-marin’ u soo diraya 111”.

Cabdiraxmaan Aar ayaa intaasi ku daray, “Barnaamijka labaadna waxaa weeye Cimro oo ah barnaamij runtii aad iyo aad u qaaliya. Bilkasta waxay shirkaddu ugu talo-gashay inuu hal macmiil tago masjidul xaraamka, waana jaanis aad iyo aad u qaaliya runtii, macmiilku wuxuu kaga mid noqon karaa isagoo mobile kiisa gacanta kula hadla eheladiisa dibadda joogta, ka dibna wuu soo dalban karayaa macmiilku inuu kelmadda “cimro” u soo diri karo 111. Barnaamijka saddexaad ee soo raacaa waxaa weeye Aqoon-maal oo isagu runtii muddo badan soo jiray, oo isagana macmiil ka badan kontameeyo ay bil walba hadyaddo kala duwan ay ku guulaystaan”.

Dhanka kale waxa munaasibada ka hadlay madax-ku xigeenka suuqgeynta ee shirkadda Telesom Axmed Sheekh Yuusuf wuxuuna yidhi, “Maanta goobtan waxa nala joogo macamiishii ku geeleysatay barnaamijkii tijaabo nasiibkaaga, waxaana idiin muuqata in shirkadda telesom macaamiisheeda wax ku soo celisey, intanuuna maahee  shirkadda telesom waxay ka qayb qaadataa mucaawinooyinka la siiyo dadkeena biyio dhaamin ha noqoto, caafimaadka ha noqoto iyo wixii la midaba”.

Dhinaca kale waxa isaguna xaflada macaamiisha lagu abaal marinayay ka hadlay maamulaha xidhiidhka dadwaynaha ee shirkadda Telesom mudane Maxamed Cabdi Darbo hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Shirkadda Telesom waa shirkad wayn, waxaanay ka mid tahay shirkaddaha wadanka ka ganacsada, waana shirkadda bixisa adeega isgaadhsiineed ka ugu fiican, waana shirkad bixisaa adeegyo badan oo kale oo ay ka mid yihiin adeega maaliyadeed ee ZAAD, waxa kale oo shirkadu ku dadaashay sidii deegaankeena loo ilaalin lahaa oo waxay lacag badan gelisey inay waddanka keento Gaaska cuntada lagu karsado si loo badbaadiyo deegaankeena, shirkaddu waa shirkad u taagan inay shaqo abuur samayso, shirkaddu waa shirkad technoolajiyadeed, sidaa darteed waxay macaamiisheeda u keentay adeegyo technoolajiyadeed, shirkadda waxay ku dadaashay inay qofkasta oo macaamiisheeda ka mida ay gaadhsiiyo adeegyo”.

Waxaa goobta ka hadashay Macmiilkii ku guuleystay Abaal-marinta jiddkii makka, Marwo Xamda Jibriil Maxamed hadaladeediina waxa ka mid ahaa, “Waxaan halkan maanta ugu mahad celinayaa shirkadda Telesom oo i gudoonsiisey abaalgud qaaliya, run ahaantii waxaan shirkadda Telesom ku xidhnaa muddo aad u dheer, macaamiisha Telesom-na waxaan leeyahay ku xidhnaadda shirkadda Telesom, waayo waxay bixisaa adeegyo aad u wanaagsan, ishaa allaah markaan tago baydkii barakaysnaana waan u soo ducaynayaa shirkadda Telesom.

Waxaa iyaguna ka hadlay qaar ka mid ah macmiisha ku guulaysatay abaal-marinta ay shirkaddu bixisay waxaanay si aad ah uga mahadnaqeen shirkadda abaal-marinaha ay macaamiisheeda guddoonsiisay, waxaanay shirkadda ku dhiiri-galiyeen inay sii wado dadaalka ay bulshadeeda ku dhiiri-galinayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.