Shirkadda Horn Drilling Company oo Hawlgalo Sahaminta Biyaha ah ka ku Tegay Degaan ku Yaal Gobolka Togdheer

Burco – (warsoor)- Shirkadda Sahaminta iyo Qodista ceelasha biyaha ee Horn Drilling Company, ayaa safar la xidhiidha sahaminta dhinaca biyaha ku tegay degaanka Oodda-gorayo ee Gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha Shirkadda Horn Drilling Company Mr. Faysal Xaaji Xasan Muuse (Bakayle), ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay sidii ay u oggaan lahaayeen goobaha biyo laga soo saari karo degmooyinka Gobolka Togdheer, gaar ahaan degaannada ay abaartii la soo dhaafay sida xun u saamaysay.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay hawlgalka sahamintooda ah ka bilaabeen degaanka Oodda-gorayo oo qiyaastii 68KM u jirta magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo la doonayo in laga qodo ceelal biyood oo uu maalgelinayo ganacsade ka soo jeeda degaanka Ooda Gorayo ee sahaminta laga samaynayo, Saleebaan Kulul.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.