Shirkadda Dahabshiil Oo Si Buuxda U Fulinaysa Go’aammada lagu Xakamaynayo Sicir-bararka, Abaalmarina Ugu Bushaaraysay Macaamiisha

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Dahabshiil Group ayaa si buuxda u aqbashay go’aammada xukumadda Somaliland ee lagula dagaallamayo Sicir-Bararka. Maamulka guud ee shirkadda ayaa sheegay in ay fulinayaan dhammaan qodobada ka khuseeya amarrada xukumadda si loo dhimo sixir bararka. Shirkadda Dahabshiil Group waxa kale oo ay macaamiisheeda ugu bushaaraysay abaalmarino qaali ah oo lagu helayo isticmaalka adeegyadeeda ku hadalka Somtel, Internet-ka iyo adeegyada kale waxaana ugu weyn baabuur casri ah oo ah kii u horeeyay ee Somaliland abaalmarin ahaan looga bixiyo.

Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa sheegay in shirkaddu aqbashay fulinta qodobada saamaynta ku leh adeegga E-Dahab ee lacagta ka yar 100 Doollar.

 “Sidaad la socotaan Dawladda Somaliland go’aan bay gaadhay, go’aankaas oo ah in Lacagta Telefoonnada(Mobile payment) wixii boqol dollar ka yar aan lagu isticmaalin, waxba lagu iibsan, aan la isu dirin ama aan lagu dhex sarrifinba. Go’aankaas ay dawladda Somaliland gaadhay waa mid looga gol leeyahay in sicir-bararka alagula dagaallamo ama hoos loogu dhigo. 

“Haddii aanu nahay Dahabshiil, haddii aanu nahay eDahab ee lacagta telefoonka lagu isticmaalo waxaanu aqbalay oo aanu go’aansanay go’aanka dawladda Somaliland in aanu dhaqan galino,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo ka hadlayay munaasibad saraakiisha sarsare ee Dahabshiil Group ka qayb galeen oo lagu sharraxayay isbedelka shirkaddu macaamiisha ugu samaysay nidaamka lagu fulinayo go’aammada sixir bararka.”

Guddoomiye Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu intaasi ku daray in shirkaddu siinayso lacagtooda doollarka ah dadka kala baxaya wixii 100 ka yar.

“Sidaasi awgeed waxaanu macamiisha shirkadda ee eDahab isticmaasha la socodsiinayna in qofkii boqol dollar wax ka yar Akoonkiisa ugu jirto uu xaq u leeyahay in aanu dollarkiisii siino maaddaama uu doolar noo dhiibtay; haddii uu doono uu Dahabshiil dhigto, haddii uu doonayo lacagtiisa boqol dollar ka yar uu ka sarrifto ganacsatada suuqa ee sarrifka ka shaqeeya ee waddanka oo dhan deggan annaga oo tixgelinayna dadkaasi in ay ka faa’iidaystaan lacagaha doollarka ah ee 100 doolar ka yar,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirashiid.

Waxa uu intaasi ku daray in bulshada sidii caadiga ahayd ugu isticmaali karto adeegga eDahab lacagta ka badan $100.

“100 doollar wixii ka badan qofka macmiisha ah eDahab wuu u daysan karaan, waanan doonayna in dad badan oo guryaha ku haysta lacagtu eDahab ku shubtaan oo Akoonka isticmaalan. Waxa kale oo aanu doonayna in aanu macaamiishayada in macaamiisha isticmaala adeegga eDahab u soo bandhigno adeegyo cusub ama abaalmarino ka farxiya, Dahabshiilka kalena ay Akoono uga furtaan, Kaadhka Somtel-na u isticmaalan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid Dahabshiil.

Agaasimaha  Adeegga eDahab ee shirkadda Dahabshiil Fu’aad Axmed ayaa sheegay in adeegga e-dahab leeyahay  qayb isku bedelka lacagaha ah laakiin, shirkaddu go’aansatay in la joojiyo iyada oo loo danaynayo dadka sarrifka ka ganacsada “Adeegga eDahab waxa uu leeyahay adeeg isku sarrifka lacagaha ah laakiin, shirkaddu way joojisay in ay bilawda adeeggaas maaddaama ay ku nool yihiin dad ganacsato sarrifleyaal ah oo macaamiil noo ah, islamarkaana iyaguna ka samaysta noloshooda, sidaasi awgeed adeeggaas maanan hirgelin mana hirgelin doono. Sidoo kale marka la joojiyo adeegga boqol dollar wixii ka yar macaamiishu waxay isticmaali doonan Shillinka Somaliland ee E-Dahab oo ay ku isticmaali doonan dhammaan adeegyadii hore sida: Lacag dirista, ku iibsashada, ku shubashada iyo lacag la bixidda iyo dhammaan adeegyada kale,” Sidaas ayuu yidhi Fu’aad.

Mustafe Xiis Cabdi oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee shirkadda Dahabshiil ayaa macaamiisha shirkadda ugu bushaareeyay abaalmarino ay kasban doonan “Sidii shirkadda caadada u ahayd in ay macaamiisheeda abaalmarin iyo dhiiri gelin la daba taagnaato waxaanu macaamiisha qiimaha iyo sharafta leh ugu bushaaraynayna in shirkadda Dahabshiil Group macaamiisheeda sharafta leh u diyaarisay barmaamij abaalmarin ah. Barmaamijka abaalmarinta ah wuxuu ku xidhnaan doona isticmaalka macaamiisha ee adeegyada shirkadda ee ay ka mid yihiin: Kaadhadhka Somtel(Simcard free ah), Akoonnada, isticmaalka Internet-ka, ku shubashada iyo waxyaabahaas oo dhan iyada oo shirkaddu eegayso waxay diyaarisay abaalmarino kala geddisan. Abaalmarintaas waxa ka mid ah in shirkaddu markii u horaysay ee geyiga Somaliland laga bixiyo ay bixin doonto gaadhi cusub oo ah gaadhiga Gaadhi Hyundai oo Brand New ah oo Zero-kilometre ah oo ah baabuurta shirkadda Dahabshiil iibiso oo ah baabuur cusub oo aanay cid kaaga horayn, furihiisana laguu dhiibi doono. Waxa kale oo ku jirta abaalmarinaha shirkaddu bixinayso Simcard free ah oo loo furayo macmiilka Numberka uu doonayo oo Somtel ah oo leh adeegyada 3G / 4G kuna jiraan 4GB Data (Internet oo Free ah) iyo eDahab Account. Abaalmarinahaas ayay shirkaddu u huraysa macaamiisheeda oo aanu fursaddan uga faa’iidaynayno,” Sidaas ayuu yidhi Mustafe oo intaas raaciyay in abaalmarinaha ay dheer tahay Akoonnada Dahabshiil oo bilaash lagu furayo.

Macaamiisha Shirkadda Dahabshil ee adeega eDahab waxa ay isticmaali doonaan adeega eDahab SL Shilling oo ku shaqeynaya  dhammaan adeegyadii ay ku isticmaali jireen Dollarka ee kala ahaa Lacag-dirid, Ku Iibsasho, Ku shubasho, Lacag Bixid iyo lacag ku shubasho, Short Codes-ka adeegyadaasina kala yihiin:

Eeg Hadhaaga: *770*LambarkaagaSirta#

Lacag Dirid: *770*LambarkaMobileka*Lacagta#

Ku Iibso: *773*LambarkaMeherada*Lacagta#

Ku Shubasho: *774*LambarkaMobile-ka*Lacagta#

Lacag la bixid: *775*LambarkaWakiilka*Lacagta#

Sidoo kale, adeegga eDahab waxa uu kuu saamaxayaa inaad isticmaasha kowdhka *777#, oo u sahlaya macmiilka inuu dhaqdhaqaaq ku sameeyo akoonka uga furan Dahabshil Bank International (DBI), sida: lacag-dhigasho, lacag-la-bixid, eeg hadhaaga, iwm.

Dahabshil Bank International waxa uu muddadii uu jirey u sahlay macaamiishiisa adeegyo tiro badan oo si fudud ugu soo dhoweeyey ama ugu xidhay caalamka intiisa kale sida MasterCard’ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.