Shirkadda Dahabshiil Group oo $800,000 ugu deeqday Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Gudoomiyaha Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 ayaaa Shirkada Dahabshiil group kala wareegay qalab qiime ahaan ah $600.000 (Lix Boqol oo kun oo Doollar) iyo $200.000 (Laba Boqol oo kun oo Doollar) loogu talo galay in la siiyo 4,000 oo qoys oo reer Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MADAXWEYNAHA KU-XIGEENKA SOMALILAND: