Shirka wadatashiga siyaasadda Qaran ee Qurbo joogta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Dh/mareeb

Muqdisho – (WARSOOR) – Shirkan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayay ujeedadiisu aheyd sidii Galmudug qayb uga noqon laheyd Wadatashiga siyaasadDa qaran ee qurba joogta Soomaaliyeed taasi oo ay socoto xog is waydaarsigeeda isla markaana hore loogu qabtay dowlad goboleedyo dhowr ah.

Qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah ah sida odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, qurbajoog, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, xubno ka socda Wasaaraddaha Galmudug iyo shaqaalaha kale ee dowlada ayaa Dhuusamareeb uga qayb galey daahfurka wadatashigan oo si mug leh la isugu dhaafsadey su’aalo dhowr ah iyo wax ku biirin mug leh.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole oo ugu horeyn goobta ka hadley ayaa adkeeyay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin soo dhaweynta iyo dhiiri-gelintaba qurbajoogta Soomaaliyeed ee diyaarka u ah maalgashiga dalkooda hooyo.

Qaar ka mid aqoonyahanka ka qayb-galayay wadatashigan ayaa dhankooda soo bandhigey qodobada saameynta ku leh nolosha bulshada guddaha iyo qurbajoogta.

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha dibada XFS, mudane Maxamed Ibrahim Cawaale oo ugu dambeyn hadalka qaatey ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay marxaladaha ay soo martey isku duba-ridida Siyaasadda qaran ee qurbajoogta Soomaaliyeed.