Shirka siyaasadda Dhalinyarada oo Muqdisho ka furmaya

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhalinyarada Soomaaliyeed,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa,madaxda Dowladda,ururada bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada dalka,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay ka qeybgalaan shirka looga hadlayo mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada,iyadoo talooyin iyo afkaaro ku aadan siyaasadaasi la isku dhaafsan doono

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlaya sidii loo mideyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dowr muhiim ah ku leh horumarka dalka,maadaama dalka 70% boqolkiiba uu yahay Dhalinyaro,waxaana tani ay dhiirogelinaysaa rajada dhalinyaradu ay ka qabaan in laga talo geliyo arrimaha dalka.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.