Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, kaasi oo uu shir gudoominayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowlad goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo sida looga wada shaqeyn karo la dagaalanka Al-shabaab.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.