Shir-weynaha garabka dhallinyarada xisbiga kulmiye oo Dhamaaaday

Hargeysa – (warsoor) – Shirweynihii Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE ee bishan Diisambar 18 – 19, 2016, ka dhacay caasimadda JSL ee Hargeysa waxa ka soo qaybgalay dhallinyarada xisbiga KULMIYE. Tirada ergooyinka rasmiga ah ee Shirweynaha ka soo qaybgashay waxay ahayd 1,100 (kun iyo boqol) ergey oo ah dhallinyarada xisbiga KULMIYE oo iskaga kala yimid dhammaan gobollada, degmooyinka JSL iyo adduunkaba.

Ujeeddada Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE wuxuu ku saabsanaa sidii ay:

–      Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyadda Somaliland uga doodilahayd, falanqayn iyo aragtina ugu yeelan lahayd qorshaha iyo barnaamij-siyaasadeed shanta gu’ ee soo socda ee uu xisbiga KULMIYE dalka ku hagi doono haddii uu tartanka ku guuleysto, gaar ahaan arrimaha khuseeya dhallinyarada.

–      Dhallinyarada xisbiga KULMIYE maanka iyo maskaxdaba u miiri lahayd oo ay talo qaran uga yeelan lahaayeen caqabadaha waaweyn ee haysta dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo mudan in qarankani dhexda u xidho xal u helistooda.

–      Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyadda Somaliland uga tashan lahayd, una heli lahayd habka ugu fudud, uguna dhakhsaha badan ee lagu abuuri karo qorshayaal kor loogu qaadayo midnimadooda, waddaniyadda iyo wax wada lahaanshaha guud ee reer Somaliland iyo gaar ahaan dhallinyarada JSL.

–      Dhallinyarada xisbiga KULMIYE qorshe uga yeelan lahayd hannaanka iyo istaraajiyadda ololaha doorashada madaxtinimo ee dalka ku soo aaddaninay dhaco bisha March 28, 2017-ka.

–      Dhallinyarada xisbiga KULMIYE u abuuri lahayd is-dhexgal, is-barasho iyo is-garabsi xooggan oo sal u noqda, jawi degen oo ay ku nugto qorshayaashii iyo hawlgalladii ay dhallinyarada xisbigu kaga qaybgali lahayd ololaha doorashooyinka soo socda.

–      Dhallinyarada xisbiga KULMIYE uga arrinsan lahayd sidii ay cudud, caqli, maan-fayow iyo taageero xoog leh u siin lahayd xukuumadda xisbiga KULMIYE ee talada dalka haysa.

Muddadii shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE socday, waxay ka soo qaybgalayaashii dood-cilmi ku dhisan iyo falan-qayn waayo-aragnimo qoto-dheer leh, maadaama xisbiga KULMIYE yahay xisbiga ugu da’da weyn asxaabta qaranka JSL, ka yeesheen dhammaan qodobada kor ku xusan iyo guud ahaan xaaladda dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto iyo ta guud ee qaranka intaba.

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in xukuumaddii xisbiga KULMIYE ay door sharaf leh iyo xilal luxdan ka siiyey dhallinyarada JSL.

Ergooyinka shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay ku bogaadiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland go’aankiisii ahaa inuu xilka ka dego isaga oo dhammaystay hal muddo-xilliyeed, isaga oo awood u lahaa in uu galo tartan doorasho mar kale. Waa tallaabo wanaagsan iyo qaan-gaadhnimo hoggaamineed oo sarraysa.

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay talo, tusaale iyo taageero xoogganba la garab istaageen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka soo jeedda xisbiga KULMIYE guud ahaan, gaar ahaanna masuuliyiinta dhallinyarada ah ee xilalka qaranka dalka lagu aamminay.

  1. Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE waxa ay u caddaynayaan Ururka Iskaashi Gobolleedka IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo guud ahaan dalalka adduunka oo dhan in jiritaanka iyo madax-bannaannida Jamhuuriyadda Somaliland tahay lama-taabtaan iyo arrin aan gorgortan iyo wadahadal toona geli karin. Waxa kale oo ay bulshada caalamka ku boorriyaan inay ku abaalmariso shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhistay qarankan barakaysan ee nabadda iyo degenaanshaha mandaqadda Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeedba qaybta laxaadka leh ka soo qaatay, aqoonsi iyo garawshiiyo uu u helo qadiyaddiisa.

  1. Midnimada iyo Waddaniyadda Dhallinyarada JSL

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE waxa ay si mug leh oo aqoon dheeriyi ku dheehan tahay u eegeen kor-u-qaadida midnimada iyo waddaniyadda dhallinyarada reer Somaliland. Waxaanay ugu dambayntii shirweynaha ka soo saareen baaq midaysan oo ay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddaba kaga codsanayaan in hadda iyo qorshaha shanta gu’ ee xisbigaba lagu daro qorshayaal iyo ololayaal kor loogu qaadayo barashada waddaniyada iyo dal jacaylka.

  1. Caqabadaha Horyaalla Dhallinyarada JSL

Ergooyinka shirweynaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE waxa ay dood qoto-dheer ka yeesheen xal u helidda caqabadaha horyaala dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xalka macquulka ah ee dawo u noqon kara.

Ergooyinka Shirweynuhu waxa ay soo jeediyeen talooyin iyo xal muddakar ah oo dawo u noqon kara caqabadaha jira, horseedi karana shaqo abuur hor leh, awood shaqo-gal oo xoog leh, tayayn waxbarasho, caafimaad, helista maalgashiyo dhallinyaro iyo fursado hor leh oo dhaqan-dhaqaale oo cusub. Tallooyinkaas oo dhammaantood qayb ka noqon doona barnaamij-siyaasadeedka cusub ee shanta gu’ ee soo socota xisbiga KULMIYE dalka ku hagi doono.

Ergooyinka Shirweynuhu waxa ay ammaan iyo bogaadin xooggan u jeediyeen xukuumadda xisbiga KULMIYE dadaalka dheer ee ay u gashay wax ka qabashada caqabadaha dhallinyarada horyaallay, gaar ahaan dabar ka goynta dhallinyarada ee ka qaybgalka siyaasadda, shaqo abuurka, raadinta maalgashiyo shisheeye oo xooggan oo fursado shaqo u abuuri kara dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, sida DP World iyo siinta fursado waxbarasho dhallinyarada dhigata dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, kuwaas oo helay waxbarasho bilaash ah intii xisbiga KULMIYE talada dalka la wareegay, taas oo kor-u-qaaday tirada dhallinyarada ah ee fursad u heshay inay helaan waxbarasho bilaash ah, waxna bartaan.

  1. Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay soo dhawaynayaan dhammaan maalgashiyada shisheeye ee xukuumadda xisbiga KULMIYE ee talada dalka haysaa soo jiidey muddadii ay xilka haysay, waxay u arkaan in hirgelintoodu fursad weyn u tahay mustaqbalka dhallinyarada JSL. Waxaanay ugu baaqeen bulshada xariirta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland in ay garab siiyaan dhammaan maalgashiyada dalka ku soo foolka leh si aynu dalkeenna u gaadhsiinno badhaadhe is-gaadhsiisan muddo kooban.

  1. Abaaraha

– Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay xurmo iyo sharafba u hayaan xukuumadda xisbigooda KULMIYE iyo dhammaan shacabka iyo ganacsatada Jamhuuriyadda Somaliland dareenkii xoogganaa iyo taageeradii deg-degga ahayd ee ay u fidiyeen dadkii deegaannada abaartu saamaysay ee JSL. Waxa ay tilmaameen inay ahayd dareen walaalnimo, midnimo iyo qarannimo oo muuqda. ergooyinka waxa ay dood iyo falanqayn miisaan leh ka yeesheen xal u helista abaaraha ku soo noq-noqda dalka, waxaanay soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah oo qayb ka noqon doona barnaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga KULMIYE.

– Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay dhaliil u soo jeediyaan qaabkii bulshada caalamku u qaabishay abaarta ka jirta dalkan Jambuuriyadda Somaliland iyo gacantoodii gudhnayd, waxaanay ugu baaqayaan bulshada caalamka inay gacan muuqata ka gaystaan arrintan, jawaab buuxdana ka soo bixiyaan baaqii xukuumada JSL.

– Ergooyinka Shir-weynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE iyaga oo maanka ku haya taladii xisbiga KULMIYE ee ahayd in dadka dalku iskaashadaan, midba kiisa taag daranna taageero, waxa shirweynuhu qaadhaan lacageed oo dhan 10,000 Doollar oo Maraykan ah ugu deeqay deegaannada abaartu saamaysay ee dalkeena hooyo. Waxa sidoo kale ergooyinka shirweynuhu Alle ka baryayaan inuu abaarta ka soo jabiyo.

– Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxay ugu baaqayaan dhammaan dhallinyarada xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay joogaan in ay si fir-fircoon uga qaybqaataan gurmadka abaaraha.

  1. Doorashada

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE, iyaga oo ogsoon abaarta ballaadhan ee dalka ka jirta iyo saamaynta taban ee ay yeelan karto, haddana waxay soo jeedinayaan, si buuxdana u taageereen go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ahaa in doorashadu dalka ka qabsoonto xilligii hore loogu asteeyey. Waxa ay ku boorrinayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay gacanna ku codeeyaan, gacanna shacabkooda abaartu haysu ku caawiyaan.

  1. Hoggaaminta

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa ay si buuxda u axadheen xaaladaha siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale ee dalka ka jira iyo siyaasadaha mandaqadda iyo adduunka ee isbeddelaya, saamayntanna ku yeelan kara mustaqbalka dalkeenna. Waxa ay taladii ku gooyeen in dhammaan arrimahaa kor-ku-xusan u baahan yihiin hoggaamin dhiirran, waayo-aragnimo leh, go’aan qaadasho madax-bannaan oo cidna muska ugu jirin leh, dhabna ka tahay xaqiijinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland sir iyo caadba, dadkana la duruuf ahaa muddadii ay jirtay Somaliland oo dhan iyo ka horba.

Sidaas darteed, waxay baaq luxdan u direen dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala nool gobollada dalka iyo dibaddiisaba, kaasi oo ay kaga codsadeen inay ku taageeraan in xisbiga KULMIYE sii hayo hoggaaminta hayinka ah ee dalka, maadaama xisbiga KULMIYE markale gegida soo tubay murrashaxiinta hufan oo leh astaamaha hoggaamineed ee dalku u baahan yahay, siduu doorashadii 2010-kiiba dadka u hor-keenay hoggaamiye waayo-arag ah oo dalku mahadiyey hoggaamintiisa muddadii uu masuuliyadda dalka u sarraysa caynaanka u hayey. Waxaanay ergooyinku fariintaas si gaar ah ugu direen dhammaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee jecel dal iyo mustaqbal ifaya.

Gebagabo:

Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE oo ah shirweynihii ugu ballaadhnaa ee abid dhallinyaro xisbi ku kulanto, waxa ergooyinkiisu soo jeediyeen in la joogteeyo qabashada shirarka jaadkan oo kale ah. Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbigu KULMIYE waxa uu ku soo gabagaboobay guul, iskaashi buuxa iyo qorshe dhallinyaro hormood u tahay oo hor leh.

Ergooyinka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxay ka kala socdeen Gobollada Xaysimo, Salal, Daad-madheedh, Badhan, Awdal, Togdheer, Saraar, Buuhoodle, Sool, Gabiley, Hawd, Saaxil, Sanaag iyo Maroodi-jeex iyo sidoo dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee dalalka Sweden iyo Finland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.