Shir u dhexeeya Boliiska dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka oo Kismaayo lagu soo gabangabeeyey

Kismaayo – (WARSOOR) – Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta soo xirey shirkii taliyayaasha boliiska dowlad Goboleedyada, kaas oo u dhexeeyey wasaaraddaha amniga dowlad goboleedyada, wasaaradda amniga dowladda FS iyo taliska ciidanka boliiska Federaadka, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa u mahadceliyey guud ahaan wasaaraddaha amniga iyo saraakiishii ka soo qeyb gashey shirka, isagoo faray saraakiisha in laga shaqeeyo horumarka amni ee dalkeena iyo u adeegga bulshada Soomaliyeed oo la daalaadhacaysa hadimadii ay u geysteen Khawaarijtu.

Taliye Sulub ayaa intaas ku daray in guud ahaan boliiska heerarkiisa kala duwan laga qeyb qaadto dib u xureynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo boliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka khawaarijta lagula jiro.