Shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho

Muqdisho – (warsoor)-Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyad ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo gobolka Banaadir, ayaa maalmaha soo aadan ka furmaya magaaladda Muqdisho si loo sii ambaqaado dhameystirka heshiiskii 17-kii bishii Sibteembar.

Sida qorshu yahay waxaa la filayaa in dhawaan uu magaalada Muqdisho ku qabsoomo kulan u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17-ka Sibteembar, kaas oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka.

Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamim Mucalimuu, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada mucaaradka.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro heshiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yidhi Afhayeen Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.