Shir Madaxeedkii IGAD oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa la soo gaba gabeeyay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD oo markii ugu horeysay Soomaaliya ay marti galisay, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Waxaaa ka qeyb galay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda kabada Suudaan.

igadd2

Qodobada looga hadlay shirkan ayaa waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Gaba gabadii War laga soo saaray shirkaan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya Amina Maxamed.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.