Shir looga hadlayey heerarkii uu soo maray Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (warsoor), Shir wadatashi ah oo ay wada yeesheen guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa banaan ee hirgelinta dastuurka, Wasaaradda dastuurka XFS iyo Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNDP UNSSOM oo gacan ka geysata arrimaha dastuurka, waxaana shirkaan ay uga hadleen qodobo badan oo ku saabsan dastuurka.

Shirka, ayaa waxaa soo diyaariyey guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka, waxaana looga hadlay heerarkii uu soo maray dastuurka, waxa qabsoomay iyo waxyaabaha u dhiman.

Wasiirka wasaaradda dastuurka XFS Mudane C/raxmaan Xoosh Jibrii, ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka shirkaan uu ahaa dardar gelinta howlaha dastuurka, waxaana uu xusay in arrimo badan maanta ay kawada hadleen.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay wada shaqeyn doonaan hey’addaha heer dowlad goboleed iyo heer federaal ee u xil saaran dhameystirka dastuurka.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.