Shir Looga Hadlayey Caqabaddaha Cashuur Dhaafka Baddeecaddaha oo Hargeysa Ka Dhacay

Hargeysa -(WARSOOR)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Ee Somaliland Md Cabdirisaaq Ibrahim Khaliif (Ataash), Ayaa Maanta Ka Qaybgalay Kulan Balaadhan Oo Lagu Soo Bandhigay Daarsad Ku Saabsanayd Caqabaddaha Cashuur Dhaafka Baddeecaddaha Kala Duwan Ee Isaga Kala goosha Dalalka Somaliland Iyo Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq Ataash, Ayaa Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook, Waxaanu Uu Ku Yidhi Wasiirku Qoraalkiisa Siddan “Waxaan maanta ka qayb galay shir lagu soo bandhigayay Daraasad looga gol lahaa caqabadaha farsamo ee cashuur dhaaf ee taabanaya ganacsiga badeecadaha iskaga gudba Somaliland iyo Ethiopia ( Study on overcoming the non-tariff measures (NTMs) and technical barriers to trade (TBT) that exist in cross-border trade between Somaliland and Ethiopia),

Kulankaasi ayaa waxaa igala. qaybgalay Guddida Maamusha Berbera Corridor oo uu gudoomiye u yahay, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Safiirka EU, Gudoomiyaha Haayada Tayada, Wakaladda Horumarinta Wadooyinka, Gudoomiyaha Aaga ka Caagan Cashuuraha ee Marsada Berbera, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Guddida Caymiska Qaranka, Baanka Dhexe, iyo haayada DAI oofulinaysay Daraasadan”.