Shir looga hadlayay xoojinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga oo la soo gaba-gabeeyay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa shalay gelinkii danbe magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirta dhinaca dhaqaalaha,Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ,Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac C/llaahi Maxamed,aqoonyahano Soomaaliyeed,ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo warmuriyadeed laga soo saaray.

“Shirka wuxuu ku saabsanaa saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidii looga tala bixin lahaa guud ahaan,shirkan runtii muhiimad gaar ah ayuu u lahaa Soomaalida sababtoo ah waxaa meesha ku dooday oo warqado tira badan oo cilmi-baaris ah soo jeediyay Professoro,aqoonyahano,Quburo Soomaali ah,iyo kuwo turki ah,waxyaabo badan baa laga hadlay sida xiriirka siyaasadda,xiriirka diblomaasiyadda,xiriirka dhaqaalaha,xiriirka horumarka,waxbarashada iyo Caafimaad,” ayuu yiri Danjire Jaamac C/llaahi Maxamed.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda East Afrika for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul,wafdigii ka qeyb galay shirka ayaa isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista oo muhiimad gaar ah u leh Shacabka Soomaaliyeed.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.