Shir looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay Koofur Afrika

Pretoria – (SONNA) – Shir looga hadlayay doorashooyinka Sanadkaan lagu wado in ay Soomaaliya ka dhacaan, oo uu qabtay Mahcadka Cilmi baarista ee Human Sciences Research Council, ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee Koofur Afrika.

IMG_9901

Kulankaasi waxaa ka qeybgalay Wafdi ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Faarax Sh C/qaadir, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalalka Afrikada Koonfureed, Jamal Barrow, Qunsulka Safaaradda,Mudane Maxamed Cali Mire “Nabaddoon” xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, Xubno ka socay Wasaaradda Arimaha Dibadda Koofur Afrika iyo Aqoonyihanno u dhashay dalkaasi.

Danjire Jamal Barrow ayaa qudbadiisa ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyso shan tiir oo ay muhimadda kowaad labaad iyo sedexaad siiso amaanka xaaladda dalka Soomaaliyana ay hadda ka duwantahay sanadihii hore sida ay ahayd.

“Labaatan Sanno kaddib Soomaaliya hadda waxa ay dib u yeelatay Bandhgi dhexe kaasoo u shaqeeeya sida Bangiyada Caalamiga ah, dhinaca kale waxaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay Qurba joogtii ugu badneyd kuwaasoo doonaya inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka”ayuu yiri Danjuruhu.

Xildhibaan Faarax Sh Cabdulqaadir oo qudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Dowladahii hore ee KMG ahaa lagu soo dooran jiray meelo ka baxsan Soomaaliya, balse hada horumar badan laga sameeyay oo ay doorashada markii labaad ka dhici doonto Maamul Goboleed Soomaaliya iyo Caasimadda intuba.

“Waxaan wadnaa Waddadii lagu gaari lahaa Sanadka 2020-ka in loo codeeyo qof iyo codkiisa balse caqabadaha inaga heysta doorashooyinka ayaa ah inay dadka aqoon durugsan u laheeyn doorashada, doorashadii hore ee 2012 ka waxaa soo doortay 275 xildhibaan balse hadda waxaan wadnaa in illaa 14000 qofood ay doorasho samayeen,waana wax ku duyasho mudan” ayuu yiri Xildhibaanku.

Shirara kale oo looga hadlayo Doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dhici doonaa Magaalooyinka Cape Town iyo Durban ee dalka Koofor Afrika, iyadoo si weyn loogu faaqidi doono arimaha doorashooyinka.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.