Shil Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo

MUQDISHO – (WARSOOR) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil geystay khasaaro oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo xawaare ku socday.

Dad ayaa soo weriyey in Shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah iyo gaari oo raaxo ah, xili ay iskaga horyimideen Koontaroolka lasoo galo Magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo ku jiro darawalkii waday gaariga raaxada ah ayaa ku dhaawacmay Shilkaas dhacay, waxaaba si deg deg ah gurmad ugu sameeyay dad goobta ka Agdhawaa, iyagoona la geeyay Xarun Caafimaad.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinayay inuu burbur xoogan soo gaaray gaariga yar, maadama uu ku dhacay gaari weyn oo ku socday xawaare sare, sida la sheegay, waxaana markii dambe goobta laga jiifay gaadiidka isku dhacay.

Duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan Shilalkaas loo sababeeyay gaadiidka oo xawaare loo waday iyo waddooyinka oo burbursan.