Shiinaha oo kordhinaya miisaaniyadda militarigiisa

SHIINA – (WARSOOR) – Shiinaha ayaa sheegay inuu miisaaniyadda ciidamadiisa ee sanadkan uu kordhinayo 7%kiba, xilli ay sii kordhayaan hanjabaadaha loo soo jeedinayo.

Golaha Shacabka Shiinaha oo arrinkan looga dhawaaqay waxaa la filayaa inuu qalinka ku duuga madaxweyne Xi Jinping.

Miisaaniyadda Militariga ee dalka Shiinaha oo gaareysa 225 balyan oo doolar oo afar jabbar ay ka saareyso miisaaniyadda militariga dalka Mareykanka haddana waddamada loollanka uu kala dhaxeeyo Shiinaha ma jecleysan warka ka soo yeeray golaha qaranka dalka Shiinaha.

Miisaaniyadda la kordhinayo ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in tababarrada ciidamada sare looga qaado si ay ciidamadu diyaar ugu noqdaan cadaw kasta oo gudaha ama dibadda uga yimaaddo dalka Shiinaha.

Kordhinta miisaaniyadda ciidamada Shiinaha waxay ku soo beegmeysa xilli uu sii xumaanayo xiriirrka uu Xi la leeyahay Mareykanka ee salka ku haysa dagaalka Ukraine iyo howlaha basaasnimada ee ay Beiging lagu eedeeyey.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanaka waxay marar badan ay ka digeen inuu sanadkan Shiinaha uu Taiwan duullaan ku qaadayo.

Muddooyinki u dambeeyey si aan horay loo arag Shiinaha ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeynayey hawada iyo badda Taiwan, isaga dhanka baddana ku ganay gantaalaha baalastika.

Mareykanka wuxuu sheegay haddii uu Shiinaha uu weerar ku qaado Taiwan inuu jawaab uu ka bixinayo, wallow usan sheegin jawaabta waxa ay noqon karto.