Sheekh Dirir oo sheegay in Ilaahay u yaboohay Cadaab Kulul Ummada si Xun u Isticmaasha Maalka la siiyey

Hargeysa – (warsoor) – Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa sheegay inay muhiim tahay Ilaalinta maalka Ilaahay qofka islaamka ah siiyey, oo lagu imtixaamayo  iyo sida loogu baahan yahay in qofku u maamulo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay jiraan sababo badan oo qofka ku xambaara inuu maalka Ilaahay siiyey si xun u isticmaalo, loona baahan yahay in qof walba ka digtoonaado.

Khudbadii Jimcaha maanta (shalay) oo Sheekh Maxamed kaga hadlayey nooc ka mid ah nimcada Ilaahay adoomadiisa siiyey ayaa ku bilaabay:

“Nimcada Ilaahay adoomadiisa siiyey waxa ka mid ah Maalka, taasoo maalinta qiyaamaha marka qofku ka soo baxo qabriga, ee nimcooyinkii uu Ilaahay siiyey adoonkiisa la weydiinayo, labo ayaa dhaqaalaha la xidhiidha, maalkiisa halka uu ka shaqeystay, iyo halkuu ku bixiyey, marka qofku waxuu kaga jawaabayo waa inuu diyaarsadaa.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ilaahay innagu amray inaynaan xoolaha u dhiibin kuwa sida xun u isticmaalaya, waxaanu yidhi,

“Xoolahiina ha u dhiibina, dadka aan sida wanaagsan u maamulayn, ee Ilaahay idiinka dhigay kuwo maamulaya.

Ilaahay siduu innoo faray inaynaan dhiigeena ku xad-gudbin ayuu inoo faray, inaynaan xoolaheena ku xad-gudbin, ayuu yidhi  Sheekh Maxamed.

Maalka markuu yahay mid xalaal ah,  meel xalaal ah laga soo shaqeystay, meel xalaal ahna lagu bixiyo, waa wax la tamaniyo, oo Ilaahay laga baryo in qofka haysta oo kale kaa dhigo, ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, sida xadiis Nebigeena Maxamed CSW ku sheegay, waxaanu yidhi, “Laba qof baa la tamaniyi karaa, ama la odhan karaa sidooda oo kale ayaa kaa dhiga, qof Ilaahay siiyey duunyo wanaagsan iyo qof Ilaahay siiyeey Diin wanaagsan, oo qof walba si wanaagsan ugu camal falayo.

Islaamku waxuu xaaraantimeeyey in lagu xad-gudbo maalka, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, sida Quraanka Ilaahay ku sheegay, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi, “Ilma banni’aadam Ilaahay waxuu faray inay isticmaalaan raaxada, quruxda iyo maalka aduunka lagu siiyey, marka ay cibaadaysanayaan, dharka, dhuunigaba waxa la faray inay xad-gudubka ka ilaaliyaan.

Nebigu CSW waxuu faray dadka inay ka ilaaliyaan maalkooda xad-gudubka, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi, isagoo ka hadlaya.

“Nebigu CSW waxuu yidhi xoolaha Ilaahay idin siiyey cunna, oo cabba, oo sadaqada ka bixiya, oo ka Ilaaliya xad-gudubka.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in israafka (xad-gudubka) ama waxii qofka Ilaahay siiyey inaanu si wanaagsan u isticmaalin sababo ayaa keena, ay wanaagsan tahay inaynu iska saxno, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi, “Sababta u horaysa ee keenta in qofku daa’diyo maalka Ilaahay siiyey, waa qofka oon garanayn waxa diinta Islaamku ka sheegtay deeqda uu Ilaahay siiyey in la daa’daadiyo, iyo xaga sharciga uu xaaraan yahay, markaasuu dhinac walba u ridayaa.

Cadaab kulul ayuu aakhiro yeelanaya qofka ama ummada deeqda Ilaahay siiyo daa’daadiya ayuu yidhi Sheekh Maxamed, sida Ilaahay Quraanka ku sheegay, waxaanu yidhi, isagoo ka hadlaya, “Ilaahay waxuu sheegay in dadka naarta galay sabab u noqotay in barwaaqadii uu siiyey si xun u isticmaaleen.

Ta labaad ee keenta in qofku deeqda Ilaahay siiyo daa’daadiyo oo Sheekh Maxamed ka hadlayey ayaa sheegay haduu ku soo barbaaray qoys ladan oo xoolaha meeshii ay doonaan ku bixiya wuu yeeli karaa, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi, “Nin shaacir ah yidhi, “nin walba siduu waalidkii ku barbaariyo ayuu ku soconayaa. Sababta sadexaad ee keena inuu qofku maalka daa’daadiyo oo Sheekh Maxamed ka hadlayey ayuu sheegay inuu ku yimaado qofka oo aan garanayn sunnaha aduunyadu soo martay,  iyo nabsiga ay leedahay.

Ta afaraad ee keenta in qofku maalka si xun u isticmaalo sababaha keena oo Sheekh Maxamed ka hadlayey ayaa sheegay in qofku haduu markii hore faqri ahaa, oo maal Ilaahay siiyo, isagoo lagu tijaabinayo, ayuu halka ugu dambaysa geynayaa oo daa’daadinayaa.

Sababta shanaad ee keenta inuu qofku maalka daa’daadiyo oo sheekh Maxamed oo ka hadlayey ayaa sheegay inay ka mid tahay qofka oo la saaxiiba dadka aan deeqda Ilaahay siiyey si wanaagsan u isticmaalayn shar iyo khayrba, siduu nebigu CSW uga digay, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi,

“Nebigu CSW waxuu yidhi “Qof walba waxuu ku sugan yahay dhaqanka saaxiibkii,”

Sababta lixaad ee keenta waxa ka mid ah qofka oo daa’diya maalkiisa si uu dadka kale isku tuso, si waxuu bixinayo iyo waxuu daadinayo dadka u arkaan, taasoo nimcadii Ilaahay ku imtixaamay qofka iyo ummada mahadnaqeedii, dadka qaarkood ka dhigayaan is-tus-nimmo.

La soco, qeyb kaloo ka mid ah khudbadii ooSheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir kaga ahdlayo daraasad caalamka laga sameeyey dadka ugu musrifka (sida xun u isticmaalka maalka) iyo talooyinka lagaga badbaadi karo.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.