Sheekh Dirir oo sheegay In Ilaahay SW Qur’aanka innagu faray inaan Carabkeena Toosino, Wax Wanaagsana ku Hadalno

Hargeysa – (warsoor) – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in islaamnimada tayadeedu tahay in qofku iska ilaaliyo waxii aan macno lhayn ku hadalkeeda.

Khudbadii Jimcaha maanta oo sheikh Dirir kaga hadlay halista hadalka xun ayaaa ku bilaabay, “Walaalayaal kelmadeena maantu waxay ku saabsan tahay carabka oo waxii xun laga ilaaliyo, ama waxii qofka aan faa’iido u lahayn diintiisa iyo duunyadiisa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey muhiimada hadalka ayaa sheegay inuu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay, waxaanu yidhi, “Carabku waxuu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay bixiyo, waxaana dareemi kara, qofka hadalku dirqi ku yahay, ama dhegoolaha, laabtiisa waxa ku jira aan sheegi karin, dadka ayaa nimcada hadalka dareemi kara.  Ilahayna SW quraanka wuu inoogu manno-sheegtay, “Qofka banni’aadamka miyaanan siinin laba indhood, carab,( uu ku cabiro waxuu doonayo qofku,).

Carabka oo nimcooyinka Ilaahay SW inna siiyey ah, waxa lagama maarmaan in in waxii wanaagan loo isticmaalo, waxii shar ahna laga ilaaliyo ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Carabka oo nimcooyinka Ilaahay inna siiyey ah waa muhiim in kheyrka loo isticmaalo, waxii shar ahna laga ilaaliyo. Khayrka u weyn carabka ayuu ka yimaada oo ah Ashahaadada iyo islaamnimada, sharka u weyna isaga ayuu ka yimaada kelmada kufriga iyo gaalnimada.”

Ilaahay quraanka wwaxuu inooga digay dembiyada ka yimaada carabka ayuu sheegay Sheekh Maxamed, NNKH isagoo yidhi,

“Ilaahay SW waxuu quraanka inoogu sheegay, “Qofku waxuu ku dhawaaqayo shar iyo khayr malaa’ig ayaa diyaar u ah, qoraalkeeda, maalina waa la soo hordhigi doonaa. Ilaahay SW aayad kale waxuu ku yidhi “Qofka dadka ku ceebaynaya xanta isha iyo afka ciqaabkiisu waa halaag. Nebiga NNKH Ilaahay waxuu uga digay inuu ka tallo qaato qof dadka ceebeeya, xantiisuna badan tahay.

Ummada islaamka  Ilaahay SW aadaab wanaagsan ayuu Qur’aanka dhexdiisa ku faray, oo ka mid tahay inay carabkooda toosiyaan, oo wax wanaagsan ku hadlaan, ayuu sheegay Sheekh Maxamed.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nebi Maxamed NNKH wax badan ummada islaamka uga digay halista Carabka, waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed NNKH waxuu yidhi, “Dadka waxa naarta ku ridda, weliba madaxmadax, waxii carabkiisu geystay, una qoolan yahay. Sidoo kale xadiis ayuu nebigu NNKH ku sheegay macnahiisu yahay, “Qofku waxuu ku hadlaa erey, aanu garanayn dhibkiisa, sababtiisana waxuu naarta ugu sii dhaadhacayaa todobaatan sannadood masaafad la socdo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in nebi Maxamed NNKH uu kaadhkii Jannada ula diyaar yahay qofkii afkiisa ilaaliya, waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis inoogu sheegay, “Qofkii ii ballanqaada inuu ilaaliyo carabkiisa, iyo xubinka taranka, waxaan u ballanqaadaya inuu janada gallo.”

Nin caqli badan ayaa nebiga NNKH inoo weydiiyey waa maxa waxa ugu weyn ee aad ugu cabsi badan tahay, aan iska ilaaliyee, intaan aduunka joogo? Nebigu NNKH waxuu u tilmaamay carabka, kuna yidhi iskaa ilaali.

Qofka islaamnimadiisa tayadeeda waxa ka mid ah inuu ka tago waxii bilaa macni ah ayuu sheegay nebigu NNKH, mar kale nebigu NNKH waxuu xaadiis inoogu sheegay, “Qofkii rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha, kheyr haku hadlo ama ha iska aamuso. La soco…..

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.