Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNDP oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Qarax ayaa saaka ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta hay’ada horumarinta Qaramada Midoobay UNDP, kaasi oo sababay dhaawaca afar kamid ah shaqaalaha hay’adaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay garaash ku dhexyaala inta u dhaxeysa xarunta UNDP iyo Hotel Jazeera halkaasi oo xalay gaariga uu ku baryay, waxaana loo malaynayaa in qaraxa uu ku xirnaa mid kamid ah gaadiidka hay’ada  ay leedahay.

Saraakiil ka tirsan hayada UNDP ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in ilaalada hay’adda ay la wareegeen garaashka uu xalay ku baryay gaariga saaka qarxay.

Ciidamada nabad sugida oo uu horkacayo taliyaha nabbad sugida ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaasi ka socdo baaritaano  ciidamada ay sameynayaan.

Nooca gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ah HILUX oo Soomaalida u taqaan Qooqan.

Saraakiisha ciidamada ilaalada UNDP ayaa sheegay inay qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen falka qaraxa ah.

Qaraxa ayaa yimid iyadoo saaka amaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeynayo.

 

Xigasho: Jowhar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.