Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo Qaatay tallaalka Covid-19

Hargeysa – (warsoor) – Waxa maanta ka bilaabmay guud ahaan xarumaha Wasaaradda Maaliyadda JSL hawsha qaadashada talaalka xanuunka saf-marka ah ee COVID-19.



Xirfadlayaal caafimaad oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka ayaa saaka ka bilaabay hawsha tallaalka Covid-19 xarumaha Wasaarada Horumarinta Maaliyadu ka hawl-gasho ee guud ahaan Dalka.

War qoraal ah oo Wasaaradda Caafimaadku soo saartay ayaa lagu sheegay in mudnaanta la siiyey oo lagu bilaabay Tallaalka saraakiisha da’doodu ka weyn tahay 50 jir iyo waliba kuwa la nool xannuunada raaga (Chronic diseases) sida macaanka, dhiig-karka iyo kuwa la hal maala.

Duraygan bilaa-xudduuda ah ee COVID-19 oo bilaabmay dabayaaqadii sanadkii 2019-ka balse mar kale soo laba kacleeyey ayey guud ahaan dunidu la tacaalaysa isagoo saamayn ba’an u gaystay guud ahaan caalamka.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa guud ahaan bulshadda JSL ku boorisay in loo dhago-nuglaado tilmaamaha iyo hab raacyada lagaga hortagayo laguna xakamaynayo xannuunkan