Shaqaalaha laga maarmi karo ee Laamaha dawlada oo la Fasaxayo Xaalada xannuunka Covid-19 awgii

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wareegto ka soo baxday Hay’adda Shaqaalaha dawlada ayaa ku amartay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladu inay fasaxaan mudo laba bilood ah Shaqaalaha laga maarmi karo si looga taxadiro faafitaanka xannuunka Covid-19.

Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaalladda wararka Solna ayaa u dhignayd sidan:-

Sidaad la socotaan waxaa imika inagu soo laba kacleeyay safmarka cudurka Covid-19 oo khatar nafeed iyo geeri koobsaday, Sidaa daryeed iyadoo maanka lagu hayo ahmiyada ay qaranka u leeyihiin shaqaalaha dawladu iyo in loo fekero xoojinta badqabka caafinaadkooda.

Sababtaas awgeed, waxaan halkan idinku wargelinaynaa;

1. In shaqaalaha u nugul safmarka covid-19 ee ay ku jiraan kuwa da’doodu wayn tahay, kuwa xanuunada la nool iyo kuwo caafimaad-koodu aan wanaagsanayn laga fasaxo goobaha shaqada oo guryahooda ku soo shaqeeyaan ilaa war danbe iyo talo aan ka helayno Wasaarada Caafimaadka

2. In Shaqaalaha aan xil yo masuuliyad muhiim ah hayn ee looga maarmi karo shaqada, iyo shaqaale hoosaadka iyagana laga maarmi karo aad ku wargelisaan inay guryahooda joogaan mudo laba bilood ah, waxaana wasaarad iyo hayad kasta eegaysaa baahideeda shaqo hadba inta ay shaqaale fasaxayso.


3. Shaqaalaha dawlada inay soo xidhaan daboolka wejiga (Face Mask), Lana soo celiyo faraxalki iyo dhamaan talaabooyinki ka hortaga, si loo xoojiyo badqabka iyo xaqiijinta caafimaadka shaqaalaha iyo guud ahaan dadka loo adeegayo si looga qayb qaato yaraynta faafista safmarka covID-19.



4. In wixii agab iyo qalab caafimaad ah loo fududeeyo Lana siiyo ahmiyad gaar ah in loo soo iibiyo si joogto loogu isticmaalo goobaha shaqada.

Halkan Hoose ka akhri nuqulka Wareegtadan: