Shan qof oo ku dhimatay weerar loo adeegsaday qaanso iyo fallaadho

NORWAY – (WARSOOR) – Shan qof ayaa dhimatay ,laba kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo , ka dib markii nin ku hubeysnaa qaanso iyo fallaadho .uu magaalada Kongsberg ee dhacda koonfur-galbeed caasimadda Oslo,uu weeraraya dad ku sugnaa halkaasi.

Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu weerarka ka bilaabay gudaha dukaan weyn oo ku yaal galbeedka magaalada Kongsberg,waxaana labada dhaawaca ah ku jiray askari .

Waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ninka weerarka qaaday iyo booliska ka hor inta aan la qaban ninkaasi oo da’diisa lagu sheegay 37 sano jir u dhashay Danish .

R/wasaare  Erna Solberg ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid  bahalnimo ah oo aad laga naxo.

Booliiska ayaa sheegay in ay  sameyn doonaan baaritaan ku aadan in falkaasi uu yahay mid argagixiso ah iyo in kale.