Shacab-weynaha Degmada Gar-adag oo Si Ballaadhan Usoo Dhaweeyey Madaxweynaha iyo Weftigii uu Hoggaaminayo

Gar-adag – (warsoor) – Shacabwenaha ku dhaqan degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti heer qaran ah oo uu hoggaaminayo, kuwaas oo socdaal shaqo ku maraya qaybo kamid ah gobollada dalka.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmada Gar-adag oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan, ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo kaga hortegay dhinaca galbeed ee magaalada, waxana uu madaxweynuhu shacabka la qaatay socod lug ah oo masaafo dheer, isaga oo intaas kaddibna goob fagaare ah kala hadlay shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), madaxda, aqooyahanka, haweenka iyo dhallinyarada degmada Gar-adag, ayaa iyaguna dhinacooda qayb libaax ka qaatay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay muujiyeen taageerada luxdan ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisa looga hayo gudaha degmada Gar-adag.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horuamrinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi iyo Xildhibaan Ibraahim Carraale Ruush oo la hadlay dadweynaha reer Gar-adag, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto daboolidda baahiyaha degmada ka jirta, kuwaas oo ay ugu horreeyaan  caafimaadka, waxbarashada iyo biyuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya halkaas ka jeediyey, ayaa bulshada ku dhaqan degmada Gar-adag uga mahadceliyey soo dhaweynta xammaasadda leh ee ay ku qaabileen, waxana uu hoosta ka xarriiqay degmadu safka hore kaga jirto meelaha xukuumadda u qorshaysan inay wax ka qabato.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ku dhaqan degmada Gar-adag ugu bushaareeyey inay xukuumaddu bixinayso lacagta ku baxaysa jaamacad hore loo dhagax-dhigay, isla markaana ay gacan ka geysan doonto soo saarista biyo macaan oo la sheegay in deegaanka laga helay,    “Jaamacadda lacagteedu waa diyaar, Insha Allah bisha labaad (Febaruary), lacagtii la idin qorayna waad helaysaan, biyuhuna waa lagama maarmaan, haddii meel dhaw laga helayna waynnu isugu tegaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana isaga oo sharraxaya meelo kale oo xukuumaddu dedaal gelisay oo dadweynahan reer Gar-adag ka faa’iidaysan karaan uu intaas ku daray, “Gobolka Sanaag waxa uu ku jiraa gobollada loogu dedaal badan yahay xagga caafimaadka, labada dhakhtar ee Somaliland ugu waaweyn ee ugu qalabka fiicanina waxa ay ku yaalliin Ceerigaabo iyo Laascaanood, meeshii dadku ku bataba waa in loo kordhiyaa caafimaadka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay degmada Gar-adag tahay goobtii xisbiga KULMIYE laga Aasaasay, isla markaana aan warwar laga qabi Karin wax u qabashada degmada, waxana uu yidhi, “Reer Gar-adag noo warwari maysaan inaannaan idinkala bakhaylin wixii aannu haynno, waayo KULMIYE geedkan uun buu ka hana qaaday, wuxu dhalay dawlad,  tii horena curadkii bay ahayd, tanina waa curad-ku-xigeenkii, markaa la idin hagran maayee ha warwarina”

 
        Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department

 

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.