Shabaab oo la wareegey Tuulada Af-urur ee Puntland

Puntland – (warsoor) – Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saaka waaberigii iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin la wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga began magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Qabsashada al-shabab ee Tuuladan ayaa timid, kadib markii 30kii bishii la soo dhaafay ee May ay ciidamada daraawiishta Puntland isaga baxeen Saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, sida uu VOA u sheegeen dadka deegaanka.

Wax qasaaraha ah oo ka dhashay la wareegista al-shabab ee tuuladan lama soo sheegin.

Sababta ay ciidamada Puntland uga baxeen Tuulada Af-urur ayaa,sidoo kale la ogeyn, iyadoo maamulka Puntlandna uusan ilaa iminka wax war ah ka soo saarin xaaladan ka soo cusboonaatay koonfurta Boosaaso.

Tuulada Af-urur ayaa dhowr goor oo hore waxaa ka dhacay dagaal iyo iska horimaadyo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab kuwaasoo geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal.

Xigasho: VOASOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.