Sh. Dirir: Marar Badan Baan Mushkiladda La Abaarin ee Meelo Kale ay Dadku ku Warwareegaan

Hargeysa – (warsoor) – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa maanta khudbadiisii Jimcaha ku soo qaatay mushkiladda jahawareer dhaqaale ee dalka ka jirta, waxaanu sheekhu sheegay in aan mushkiladdu halkii ay ku unkantay aan la abaarin ee meelo kale lagula warwareegay.

Sheekh oo si maldahan u tilmaamaya mushkiladda dhaqaale ee dalka galay iyo eedaha sicir bararka cidda aan xaqqa u lahayn ee dusha looga tuuray ayaa yidhi, “Marar badan ayaan mushkiladda la abaarin ee meelo kale ay dadku ku warwareegaan. Dadku marka ay tashan waayaan ayaa waxay isku dayaan inay canaanta meel kale ay ku tuuraan”.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in waxa ugu wayn ee dhibaatadan laga cabaanayo sababtay ay tahay Jaadka iyo Sigaarka.

“Lacagta loo sarifaayo jaadka iyo sigaarka waa lacagtii ka soo baxaysay xoolaheenii aynu iibsanaynay ee imika la joojiyey. Waa lacagta ka timaadda dadkeena qurbe-jooga ah ee barafka iyo bacadka u soo mara waxa yare e ay soo dirayaan. Waa lacagta ay soo saarayaan dadka ganacsataddu. Lacagtaa adag, jaadd iyo sigaar baa lagu baddalaa, taadana waa laga taggaa meelo kalena waa lagu maal-galiyaa”, sidaasi waxaa yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in wixii kale ee lagu warwareegaa ay tahay meel soke, balse asalka Mushkiladdu ay tahay lacagtaa adag ee Jaadka ee dalka dibadda uga baxaysa ee wax manface leh oo bulshadda ku soo noqonayaa aanu jirin.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in aan xoog-xoog waxba lagu xalin Karin, “Xoog xoogu waxa uu dhalaa wax suuq-madow la yidhaahdo, oo dadku intay wixii ka sii daraan, si hoose oo khariban ay u sii isticmaalaan”.

Sheekha ayaa ugu dambayn sheegay in ay haboonaan lahayd in xukuumadda iyo ganacasatadduba intay isa soo horfadhiistaan iyagoo aaminsan in dan guud la wadda leeyahay in qaladka la isla taabto.

Halkan ka daawo khubadda sheekha oo Dhamaystiran:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.