Saudi :Xayiraadihii saarnaa Haweenka wada Gawaarida oo la soo afjaray

Saudi Carabiya – (warsoor) – Haweenka Sacuuga ayaa loo ogolaaday in ay kaxeeyaan Gawaarida,kadib markii la qaaday xayiraad tobanaan sano ah oo saarneyd Haweenkaasi.

Isbadalkaan ayaa soo ifbaxay bishii Setember ee sanadkii tagay ,waxaana horaantii bishaan Sacuudiga uu bixiyay warqadda ogolaanshada wadidda Gawaarida,kaas oo ay qaateen Haweenka

Tallaabadaan ayaa tinid kadib kolkii koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda ay u ololeeyeen in Haweenka ay helaan xaqa ay u leeyihiin in ay wadaan Gawaarida.

Loujain al-Hathloul oo si weyn looga yaqaanno dalka Sacuudiga ayaa ka mid aheyd sideed Haween ah oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen dhaqdhaqaaq u gaar ah haweenka doonaya in loo madax baneeyo weadidda Gawaarida.

Hey;adda u doodda xuquuqul Insaanka ayaa ugu baaqday Sacuudiga in Haweenka loo ogolaado xuquuqaha kale ee ka maqan.

xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.