Saudi Arabia oo War Cusub ka soo Saartay Xajka Sanadkan

SACUUDI ARABIYA – (WARSOOR) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

XIGASHO: VOA

This post is also available in: English

Share via
Copy link
Powered by Social Snap