Saraakiil Maraykan ah oo booqday garoonka diyaaradaha ee Berbera

HARGEISA – (WARSOOR) – Waxaa maanta booqasho ku tegey Somaliland, masuuliyiin ka socota dawladda Maraykanka oo ay ka mid yihiin Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya Ambassador Lary Andrรฉ iyo Taliyaha Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICA (AFRICOM) General Stephen Townsend. Masuuliyiintan oo ay wehelinayeen saraakiil kale oo militari ayaa magaalada Hargeisa kula kulmay masuuliyiinta Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo weliba saraakiisha ciidamada Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Somaliland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada ammaanka iyo milateriga, waxaana masuuliyiinta Somaliland ay sheegaan in booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim u ah iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu yidhi “Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faaโ€™iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrikaโ€. Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale qoraal lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee safaaradda Maraykanka ee Somalia ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ee booqday Somaliland inay kala hadleen madaxweyne Biixi sidii loo samayn lahaa iskaashi dheeraad ah, iyada oo lagu shaqaynayo siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya oo mid ah. Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa sheegay in Maraykanku uu garawsan yahay horumarka uu maamulka Somaliland ka sameeyey dhinacyada dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo nabadgelyada. Waxaana danjiruhu uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Weftiga Maraykanka oo watay diyaarado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ay ciidamada militarigu isticmaalaan ayaa booqasho ku tegey dekedda magaalada Berbera iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo dhawaan ay dawladda Imaaraadka Carabtu dib u habayn ballaadhan ka samaysay, iyada oo loo diyaariyey inuu noqdo saldhig militari.