Saraakiil ka tirsan XDS oo tababar loogu qaaday Turkiga

Muqdisho – (warsoor) – 49ย Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeenย ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goalyaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasanย Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.