Saraakiil Ka Socota Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Si Nabad Galyo Ah Ugu Celiyay Maamulka Puntland Gaadhi Lagala Soo Baxsaday

Tuko-qas – (warsoor) – Saraakiil  Ka Socota  Wasaarada Arrimaha GUdaha Somaliland oo uu  hogaaminayo  La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Xasan Cigaal  Iyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha  Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii  Todobaadkii  Hore  ka anbo baxay  Magaalada  Hargaysa   Ayaa Si Rasmiya Gacanta Uugu Galiyan Saraakiisa Maamulka Puntland Gaadhi Uu  lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland  oo Dhawaan Uu Kala Soo Baxsaday Darawalkiisu  lana soo  galay  Somaliland.

IMG_0917

Masuuliyiinta ka  socda  wasaarada Arrimaha Gudaha  ayaa  khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo  baxay  caasimada Somaliland Ee Hargaysa  Waxaana Ay  Magaalada Oog  kulan  kula yeesheen ciidamada iyo saraakiisha milatariga ee Widh-widh  oo iyagu  gaadhigaasi  gacanta ku soo  dhigan  una soo  gudbiyey  taliska milatarida ee Oog.

Sidoo  kale  Taliyaha Xerada  melatarida ee Oog oo isagu  gacanta ku hayey  Gaadhigani  oo  noociisu  ahaa HILUX (Xaajiyad)  waxaana  taliyuhu  si  rasmiyaga  ugu wareejiyey gaadhigaasi  masuuliyiihnta wasaarada Arrimaha gudaha  Ee La Taliyaha Wasiirka iyo Waliba Af-hayeenka wasaarada Arrimaha GUdaha.

Waftidan  oo ka  koobnaa Lataliyaha Wasiirka arimaha gudaha   Axmed Xasan Cigaal , af hayeenaka wasaarada  Jamaal Cabdi  Muxumed  iyo  cutub ka tirsan ciidamada  Birmadka   oo uu  hogaaminayo  taliyaha ciidanka birmadka ee gobolka togdheer siciid cabdi  shire (Xaliye).

Waxaana ay  masuuliyiintani  maalinimadii shalay ee jimaca ahayd  ay  si  rasmiya  ugu  wareejiyeen  gaadhigaasi  lasoo  dhacay   saraakiida ciidamada Puntland.  Iyaga oo  kula kala wareegay  Xadka U  Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland  MUdane Cali MAxamed Waran  Cadde  iyo  taliyaha ciidamda Qaranka ISmaaciil Shaqale  ayaa  gacan weyn Ka gestay  Celinta  sidii  gaadhigaasi  loo celinlahaa .

Sidoo kale  waxaa dawlada Puntland   lagala hadlay  kharashaad uu tabanayey  wiilka   la soo baxsaday  baabuurka  oo sheegay  inuu  madaxweyne  ku  xigeenka Puntland  ku  leeyahay  Laba Sanno  iyo Badh  mushahar ah.

Kaasi oo wasiir Warancadde iyo Masuuliyiinta gaadhigaasi wareejisayba ay  kala wadleen  madaxweyne ku  xigeenka Puntland, Wasiirka Arrimaha GUdaha Puntland iyo Waliba Taliyaha Ciidamada Boliska ee Maamulak Puntlan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.