Salman khan oo maxkamadda u ogolaatay in damaanad lagu sii daayo

Hindiya – (warsoor) – Xiddigga shirkadda filimada sameysa ee Bollywood, Salman Khan ayay maxkamad ku taalla galbeedka Hindiya u oggolaatay in damaanad lagu sii daayo, maalmo kaddib markii lagu helay dembi ah inuu 20 sano kahor ugaarsaday labo ka mid ah deerada madow oo dunida ka sii dabar go`eysa.

Jilaagan 52-jirka ah ayaa Khamiistii lagu xukumay shan sano oo xabsi ah. Taageerayaasha Salman ayaa isugu soo xoomay bannaanka maxkamadda xukunka ridday oo ku taalla magaalada Jodhpur ee gobolka Rajasthan.

Kiiskan ayaa waxaa jilaaga 20 sano kahor ka soo gudbisay qowmiyadda Bishnoi, oo caabudda deeradaasi, waana markii afaraad ee Salman Khan lagu soo eedeeyo arrimo ugaarsiga la xiriira.

Afar kale oo ka tirsan shirkadda filimada ee dalka hindiya oo uu kamid yahay Saif Ali-Khan ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi, inkastoo markii dambe lagu waayay wax dembi ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Salman Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002-dii lagu eedeeyay inuu gaari jiirsiiyay nin derbi jiif ah.

Waa markii afaraad oo Salman Khan lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaarsiga xayawaanadka, isagoo na dhowr jeer oo hore laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.

 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.