Saldhigyo lagu tababbarayay Daacish oo la burburiyay

Soomaaliya โ€“ (warsoor) – Wararka laga helaayo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandoosta Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gabi ahaanba bur-buriyeen Saldhig lagu tababbaro maleyshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ka go’ay dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Sargaal ka tirsan Taliska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen bur burinta xarumo dhowr ah oo lagu tababari jiray daacishta cusub ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in haatan ay ku baadi joogaan horjoogayaasha kooxdaas ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Kumaandoos

Sargaalkaasi waxa uu intaa ku daray in ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad ay soo qabqabteen, iyagoo sidoo kale soo uruuriyay meydadka horjoogayaal Ajaanib ah kuwaas oo uu xusay in dhawaan la soo bandhigi doono.

Tan iyo markii laga itaal roonaaday nabad diidka Al-Shabaab ayaa waxa ay bilaabeen in ay badashaan magaca, taas oo qaarkood ku qasabtay in ay ku biireen kooxda Daacish, si ay u sii wadaan gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.