Salaadiinta, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha GARXAJIS oo Kulan Taageero & Hambalyo ah la Qaatay Madaxwaynaha la Doortay

Hargeysa – (warsoor) – Hormoodka, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo labeenta beelweynta Garxajis, ayaa kulan ballaadhan oo taageero iyo hambalyeyn isugu jira la qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

Waxgaradka beesha oo ay xubno ka yihiin salaadiinta ugu magaca weyn beeshan oo ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Aadan Suldaan Faarax, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland, ayaa madaxweynaha gurigiisa ku booqday maanta, waxaanay si kal iyo laab ah u bogaadiyeen guushii isaga iyo ku-xigeenkiisu kasoo hooyeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday, iyaga oo Allena uga baryey inuu xilka u fududeeyo oo caddaaladda ku sugo, isla markaana waxay si cad ugu sheegeen inay si xilkasnimo leh ula shaqayn doonaan.

Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi, ayaa isna dhankiisa madax-dhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada iyo hormoodka beesha Garxajis si qiimo iyo qadarin leh u soo dhaweeyey, iyadoo kulanka ay ku wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno sarsare oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo ay labada dhinac isugu muujiyeen inay si dhaw u wadashaqayn doonaan, isla markaana ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii gebi ahaanba bulshwo-weynta reer Somaliland midnimadooda iyo wadajirkooda u sii xoogaysan lahaa oo aannu marnaba wiiqmin.

Xubno ka mid ah salaadiinta ugu magaca weyn geyiga Somaliland oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Aadan Suldaan Faarax iyo odayaal kale oo kulanka ka hadlay, ayaa madaxweyne Muuse Biixi u sheegay inay beel ahaan ka midaysan yihiin la shaqayntiisa iyo ku gacan-siinta arrimaha horyaalla, isla markaana ay ka go’an tahay in Somaliland oo gacmaha is wada haysataa garab istaagto madaxweynaha ku-xigeenkiisa la doortay, iyagoo ka codsaday madaxweynaha cusub inuu si cilmiyeysan wax uga qabto wixii tabasho ah ee jira.

Siyaasiyiin waaweyn oo beeshan kasoo jeeda oo ay ka mid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa iyaguna hambalyeynta madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay la shaqaynta madaxda cusub, isla markaana waxay isku raaceen sida ay ugu kalsoonyihiin Madaxweynaha cusub inuu yahay hoggaamiye midaynaya ummaddiisa.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey hambalyada iyo taageerada way nee madaxdhaqameedka iyo odayaasha beelweynta Garxajis siiyeen, waxaannu u sheegay inuu talo, nasteexo iyo hogo-tusaalaynba marti uga yahay, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshihiisa guud ee uu madaxweyne ahaan uu ka leeyahay dhammaanba beelaha reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay fulinta qorshe caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu ka hirgeliyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan deegaannada kala duwan ee uu ka koobanyahay, isla markaana uu dhegaysan doono wax kastoo talo ah oo loo soo jeedinayo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.